Xamsa Cabdi Barre oo Dhagax-dhigay Xarunta Sayniska iyo Tiknoolojiyadda ee SIMAD

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarun cusub oo Sayniska iyo Tiknoolojiyadda ah, taas oo ay hirgelinayso Jaamacadda SIMAD, si kor loogu qaado tayada waxbarashada sare, cilmi-baarista iyo horumarinta xirfadaha ardayda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay munaasabad kooban oo ka dhacday goobta loo asteeyay dhismaha xarunta ayaa sheegay in jaamacadaha iyo hay’adaha waxbarashadu ay laf-dhabar u yihiin isbeddelka iyo horumarka bulshada. Waxa uu xusay in aqoontu tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu dhiso mustaqbal wanaagsan, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in dalka laga hirgeliyo xarumo waxbarasho oo casri ah, kuwaas oo ardayda siinaya aqoon iyo xirfado waafaqsan baahiyaha suuqa shaqada.

Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyey dadaallada Jaamacadda SIMAD iyo maamulaheeda ee ku aaddan ballaarinta fursadaha waxbarashada iyo tayeynta adeegyada waxbarasho ee dalka. Waxa uu tilmaamay in Qorshaha Isbeddelka Qaranka uu mudnaan siinayo horumarinta waxbarashada iyo hirgelinta jaamacado iyo dugsiyo tayo leh oo soo saaraya dhallinyaro leh aqoon, xirfad iyo hal-abuur.

“Waxaan bogaadinayaa Jaamacadda SIMAD dadaalka joogtada ah ee ay ugu jirto horumarinta waxbarashada, gaar ahaan Sayniska, Tiknoolojiyadda, cilmi-baarista, kobcinta aqoonta iyo xirfadaha casriga ah. Hal-abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed maanta waxa uu baahi u qabaa in ay helaan xarun lagu horumariyo Tiknoolojiyadda iyo Sayniska, waxaana Alle mahaddiis ah in maanta ay arrintaas soo kordhisay Jaamacadda SIMAD,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Waxa uu intaas ku daray in uu rajeynayo in jaamacaddu ay sii xoojiso isku xirka aqoonta iyo baahiyaha bulshada, si loo helo jiil Soomaaliyeed oo leh aqoon, karti iyo hal-abuur uu kaga qeyb qaato dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka.

Dhismaha xaruntan cusub ayaa loo qorsheeyay hab casri ah, waxaana iska kaashanaya hay’adda Direct Aid iyo Jaamacadda SIMAD. Mashruucan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo kaabeyaasha waxbarashada sare iyo abuurista jawi ku habboon barashada Sayniska, Tiknoolojiyadda iyo cilmi-baarista.

Xarunta ayaa la filayaa in ay door muhiim ah ka qaadato kobcinta aqoonta iyo xirfadaha ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada tiknoolojiyadda iyo hal-abuurka, si ay ula jaanqaadaan isbeddellada degdegga ah ee dunida ka socda. Sidoo kale, hirgelinta xarumaha noocan oo kale ah ayaa muhiim u ah dhiirrigelinta cilmi-baarista, curinta fikrado cusub iyo diyaarinta xirfadlayaal ka jawaabi kara baahiyaha horumarineed ee dalka.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ammaanay dadaallada hay’adaha amniga iyo shacabka caasimadda Muqdisho ay ugu jiraan xaqiijinta amniga iyo xasilloonida magaalada. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in nabadda iyo amnigu ay yihiin shuruudo aasaasi u ah horumarinta waxbarashada, dhiirrigelinta maalgashiga iyo kobaca dhaqaalaha.

Ugu dambeyn, dhagax-dhigga xaruntan cusub ayaa muujinaya dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada sare ee Soomaaliya, iyadoo la xoojinayo fursadaha ay dhallinyaradu ku heli karaan aqoon iyo xirfado casri ah oo ka qeyb qaata dhismaha mustaqbalka dalka.