Madaxweynaha Waqooyi Bari Soomaaliya oo Shir Guddoomiyey Kulanka Golaha Wasiirrada

Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa shir guddoomiyey kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada maamulka, kaas oo looga hadlay arrimo muhiim u ah amniga, adeegyada bulshada, miisaaniyadda iyo waxqabadka wasaaradaha.

Ajendaha kulanka ayaa diiradda lagu saaray saddex qodob oo waaweyn, kuwaas oo la xiriira xaaladda guud ee maamulka iyo qorshayaasha xukuumadda ee horumarinta adeegyada ay bulshada u qabato.

Qodobka koowaad ee shirka ayaa ahaa dhageysiga warbixinta Golaha Wasiirrada ee ku saabsan xaaladaha amniga, nabadgelyada iyo adeegyada bulshada. Wasiirrada ayaa ka warbixiyey arrimaha khuseeya waajibaadka wasaaradahooda iyo xaaladaha u baahan in fiiro gaar ah la siiyo.

Qodobka labaad ayaa ahaa ka doodista qoondada miisaaniyadda maamulka ee sannad-maaliyadeedka 2027, iyadoo xoogga la saarayo horumarinta adeegyada dowladda iyo daboolidda baahiyaha dadweynaha. Miisaaniyadda ayaa muhiim u ah qorsheynta howlaha xukuumadda iyo hirgelinta barnaamijyada horumarineed ee loogu talagalay bulshada.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu qiimeeyey waxqabadka sannadlaha ah ee wasaaradaha, iyadoo wasiir kasta uu soo bandhigay horumarka laga gaaray qorshayaasha iyo yoolalka sannadlaha ah ee xukuumadda.

Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa xubnaha Golaha Wasiirrada ku boorriyey inay sii xoojiyaan shaqada ay bulshada u hayaan, isla markaana ay labanlaabaan dadaallada lagu xaqiijinayo qorshayaasha iyo yoolalka xukuumadda.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku adkeeyey wasiirrada muhiimadda ay leedahay dardargelinta howlaha wasaaradaha, kor u qaadista adeegyada bulshada iyo xaqiijinta in qorshayaasha dowladda ay noqdaan kuwo miro-dhal ah.

Kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada ayaa qeyb ka ah dadaallada maamulka ee lagu qiimeynayo waxqabadka hay’adaha dowladda, laguna dejinayo qorshayaasha lagu horumarinayo maamulka iyo adeegyada dadweynaha.