Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo Ka Shiray Howlaha Baarlamaanka

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa ku yeeshay kulankiisa 11-aad ee Kalfadhiga 8-aad, kaas oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), waxaana ku wehelinayey Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray warbixinnada la xiriira howlaha baarlamaanka, horumarka hindise-sharciyeedyada horyaalla guddiyada kala duwan iyo diyaarinta ajandaha kulamada guud ee Golaha Shacabka ee toddobaadka soo socda.

Ugu horreyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah uga warbixiyey natiijooyinkii iyo qodobadii muhiimka ahaa ee looga hadlay Shirweynihii 153-aad ee Midowga Baarlamaanada Adduunka (IPU), kaas oo uu kaga qeyb galay magaalada Arusha ee dalka Tanzania.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu xubnaha guddiga la wadaagay warbixin ku saabsan Kulankii 21-aad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaas oo isna lagu qabtay magaalada Arusha, isla markaana uu isagu shir-guddoominayey.

Intaas kaddib, Guddiga Joogtada ah ayaa warbixinno ka dhageystay guddiyada kala duwan ee Golaha Shacabka, kuwaas oo soo bandhigay hindise-sharciyeedyada iyo shuruucda ay gacanta ku hayaan, heerarka ay marayaan iyo muddada la filayo inay ku soo dhammaystiraan, si loogu gudbiyo Golaha Shacabka.

Warbixinnadaasi ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dardargelinayo diyaarinta iyo dhammaystirka shuruucda horyaalla baarlamaanka, si ay u maraan habraacyada sharciyeed ee looga baahan yahay ka hor inta aan loo gudbin Golaha.

Ugu dambeyn, Guddiga Joogtada ah ayaa dejiyey ajandaha iyo jadwalka kulamada guud ee Golaha Shacabka ee toddobaadka soo socda, si loo sii ambaqaado howlaha sharci-dejinta iyo waajibaadka kale ee baarlamaanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo kulanka soo xiray, ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah uga mahadceliyey shaqada ay hayaan, isagoo ku bogaadiyey dadaalka iyo wada-shaqeynta ay ku bixiyaan dardargelinta howlaha Golaha Shacabka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamada joogtada ah ee lagu qiimeeyo howlaha baarlamaanka, laguna qorsheeyo ajandayaasha kulamada guud iyo horumarinta shaqada sharci-dejinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.