Golaha Shacabka oo Akhrinta Koowaad Mariyey Hindise-Sharciyeedka Reebidda Gudniinka Fircooniga

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kulanka 25-aad ee kalfadhiga 8-aad, kaas oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo uu wehelinayay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha, Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horreyn, xildhibaannada ayaa akhrinta koowaad mariyey Hindise-Sharciyeedka Reebidda Naafeynta Xubinta Taranka Dhedigga, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka. Wasiirka wasaaradda, Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa Golaha la wadaagtay warbixinta hindise-sharciyeedka.

Sidoo kale, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa akhrinta koowaad mariyey Heshiiska Qaramada Midoobay ee ka dhanka ah ka ganacsiga sharci-darrada ah ee maandooriyeyaasha iyo walxaha maanka saameeya.

Dhanka kale, xildhibaannada ayaa loo qaybiyey warbixinta akhrinta saddexaad ee Hindise-Sharciyeedka Wax-ka-beddelka Sharciga Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Sharciga Lr. 130 ee soo baxay bishii Abriil 2012, iyo warbixinta akhrinta saddexaad ee heshiisyada u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ee ku saabsan iskaashiga caalamiga ah ee garsoorka.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa sheegay in Hindise-Sharciyeedka Reebidda Naafeynta Xubinta Taranka Dhedigga iyo Heshiiska Qaramada Midoobay ee la xiriira ka ganacsiga sharci-darrada ah ee maandooriyeyaasha ay ka gudbeen marxaladda akhrinta koowaad.

Guddoomiyaha ayaa faray Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka inuu hindise-sharciyeedyada ku wareejiyo guddiyada ku shaqada leh, si ay uga soo shaqeeyaan akhrinta labaad, kaddibna dib loogu soo celiyo Golaha.

Kulankan ayaa qayb ka ah shaqada sharci-dejinta ee Golaha Shacabka, iyadoo mudanayaashu ay ka shaqeynayaan hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo la xiriira ilaalinta xuquuqda aadanaha, la-dagaallanka maandooriyeyaasha iyo xoojinta nidaamka maaliyadeed iyo iskaashiga garsoorka ee Soomaaliya.