Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa ka qaybgalaya furitaanka kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), kaas oo ay ka qaybgalayaan wasiirrada arrimaha dibadda iyo wakiillo ka socda dalalka xubnaha ka ah ururka.
Kalfadhigan ayaa muhiimad gaar ah u leh xoojinta wada-hadalka, midnimada iyo iskaashiga dalalka Islaamka, iyadoo diiradda la saarayo sidii loo horumarin lahaa xalalka diblomaasiyadeed ee wax looga qaban karo caqabadaha amni, siyaasadeed iyo bani’aadantinimo ee ka jira gobollo kala duwan oo caalamka ah.
Ajandaha kulanka ayaa mudnaan gaar ah siinaya qaddiyadda Falastiin, xaaladda bani’aadantinimo ee ka jirta dhulalka Falastiiniyiinta iyo xiisadaha gobolka. Wasiirrada ka qaybgalaya ayaa fursad u helaya inay ka wada hadlaan xaaladaha taagan, dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo sidii loo horumarin lahaa iskaashi wax ku ool ah oo wax looga qabanayo dhibaatooyinka saameeya shacabka rayidka ah.
Sidoo kale, kulanka ayaa diiradda saaraya doorka wada-hadalka iyo is-afgaradka ee xal u helidda khilaafaadka, ilaalinta amniga iyo xasilloonida, iyo horumarinta xiriirka ka dhexeeya dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka.
Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa ah madal ay dalalka xubnaha ka ahi kaga tashadaan arrimaha siyaasadeed, dhaqaale, bulsho iyo bani’aadantinimo ee khuseeya dunida Islaamka. Kalfadhiyada Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale fursad u ah dalalka xubnaha ka ah inay isku dhaafsadaan aragtiyo ku saabsan xaaladaha caalamiga ah iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan.
Ka qaybgalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa qayb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka ay la leedahay dalalka xubnaha ka ah ururka, isla markaana ay kaga qaybqaadanayso wadatashiyada ku saabsan arrimaha khuseeya nabadda, amniga iyo xasilloonida gobolka iyo caalamka.
Soomaaliya ayaa muhiimad siinaysa iskaashiga ay la leedahay ururrada caalamiga ah iyo kuwa goboleed, iyadoo loo marayo wada-shaqayn diblomaasiyadeed, is-afgarad iyo xiriir ku dhisan danaha wadajirka ah.
Kalfadhigan 52-aad ayaa la filayaa inuu noqdo madal ay wasiirrada arrimaha dibadda ku falanqeeyaan arrimaha mudnaanta u leh dalalka xubnaha ka ah, iyagoo xoogga saaraya midnimada, wadajirka iyo horumar waara oo saldhig u noqda nabad iyo xasillooni waarta.