Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Hambalyo u Diray Guddoonka Cusub ee Golaha Wakiillada Galmudug

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne), Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Cabdulqaadir Axmed Cali Quuri, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Mudane Mursal Cabdi Aadan (Haraad), oo loo doortay hoggaaminta Golaha Wakiillada saddexaad ee Galmudug.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa guddoonka cusub u rajeeyey in Alle ku garab galo gudashada waajibaadka loo igmaday, isaga oo ku boorriyey inay mudnaan gaar ah siiyaan xoojinta hay’adaha sharci-dejinta, midnimada bulshada, nabadda iyo horumarka Galmudug.

Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya goleyaasha sharci-dejinta ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, si loo horumariyo dowladnimada, loo adkeeyo wada-shaqaynta hay’adaha dastuuriga ah, loona ilaaliyo danaha guud ee shacabka Soomaaliyeed.

Doorashada guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada Galmudug ayaa timid kaddib doorashadii xubnaha golaha, iyadoo hoggaanka cusub laga sugayo gudashada waajibaadka sharci-dejinta iyo ka shaqaynta arrimaha mudnaanta u leh bulshada Galmudug.