Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Xuseen Maxamed Nuur, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Cabdulqaadir Axmed Cali Quuri, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Mudane Mursal Cabdi Aadan, kuwaas oo maanta lagu doortay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.
Madaxweynaha ayaa guddoonka cusub u rajeeyay guul iyo in ay si hufan, xilkasnimo iyo daacadnimo leh u gutaan waajibaadka loo igmaday, iyaga oo mudnaanta siinaya danta guud, wadajirka bulshada iyo horumarka Galmudug.
Waxa uu sidoo kale ku boorriyey guddoonka cusub in ay xoogga saaraan gudashada masuuliyaddooda, xoojiyaan wada-shaqaynta hay’adaha maamulka Galmudug, isla markaana horumariyaan howlaha Golaha Wakiillada si loo gaaro himilooyinka iyo danaha shacabka reer Galmudug.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale bogaadiyey doorashooyinka ka dhacay deegaannada Galmudug, kuwaas oo uu ku tilmaamay tallaabo muhiim u ah horumarinta hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka iyo xaqiijinta xaqa muwaadiniinta ee doorashada hoggaankooda.
Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado dadaallada lagu horumarinayo dimuqraadiyadda, laguna xoojinayo ka-qaybgalka shacabka ee geeddi-socodka siyaasadeed, si loo dhiso hay’ado dowladeed oo ku shaqeeya rabitaanka bulshada iyo mabaadi’da dowladnimada.
Doorashada guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada Galmudug ayaa qayb ka ah isbeddellada siyaasadeed ee maamulka, iyadoo laga sugayo hoggaanka cusub inuu guto waajibaadka sharci-dejinta, isla markaana ka shaqeeyo nabadda, wadajirka iyo horumarka bulshada Galmudug.