Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo Shacabka Tigray ugu Baaqay Midnimo iyo Nabad Waarta

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Axmed, ayaa shacabka gobolka Tigray ugu baaqay inay ilaashadaan midnimadooda iyo hay’adahooda, isla markaana ay si wadajir ah uga shaqeeyaan xaqiijinta nabad waarta iyo dib-u-soo-nooleynta horumarka gobolka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa arrintan kaga hadlay wareysi uu afka Tigrinya ku bixiyay oo ay baahisay Warbaahinta Itoobiya ee EBC, kaas oo uu kaga hadlay xaaladda gobolka Tigray iyo dadaallada lagu doonayo in lagu xaqiijiyo amniga, dib-u-heshiisiinta iyo horumarka bulshada.

Dr. Abiy Axmed ayaa shacabka Tigray ee ku nool gudaha Itoobiya iyo dibadda ugu baaqay inay ka qayb qaataan dadaallada nabadaynta, isaga oo xusay in loo baahan yahay iskaashi iyo wadajir si gobolka looga gudbiyo caqabadaha jira.

Waxa uu sheegay in dowladda ay fiiro gaar ah siinayso arrimaha bani’aadannimo, gaar ahaan sidii hooyooyinku dib ula midoobi lahaayeen carruurtooda, loona soo celin lahaa horumarka bulshada iyo dhaqaalaha ee ay waxyeelladu gaartay.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu dhallinyarada hubeysan ugu baaqay inay hubka dhigaan, kana qayb qaataan barnaamijka hub-ka-dhigista, ka-saarista kooxaha hubeysan iyo dib-u-dhexgalka bulshada, oo loo yaqaan DDR. Waxa uu sidoo kale hoggaamiyeyaasha milatariga iyo siyaasadda ugu baaqay inay si nabad ah isu soo dhiibaan, si loo xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida gobolka.

Abiy Axmed ayaa sheegay in dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo badbaadada shacabka Tigray ay sii socon doonaan ilaa laga dhisayo maamul rasmi ah oo ku yimaada doorasho. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in shacabka gobolka ay muhiim u tahay inay helaan fursad ay ku doortaan hoggaamiyeyaashooda.

Marka laga hadlayo horumarka dhaqaalaha, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu tilmaamay baahida loo qabo in xoogga la saaro beeraha, waraabka, macdanta iyo warshadaha, si loo kobciyo wax-soo-saarka loona abuuro fursado dhaqaale oo wax ka tari kara nolosha shacabka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in magaalooyinka gobolka Tigray ay qayb ka noqdaan qorshayaasha horumarinta marinnada magaalooyinka ee loo yaqaan Corridor Development, kuwaas oo la xiriira casriyeynta magaalooyinka iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in shacabka Tigray ay mudan yihiin nabad iyo dib-u-dhis, isaga oo caddeeyay in dowladda Itoobiya ay kala shaqayn doonto sidii loo xaqiijin lahaa xasilloonida, dib-u-heshiisiinta iyo horumar waara oo gobolka ka hirgala.