Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Maamulka Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka, Cabdiweli Ibraahim Garyare, oo maanta ay xubnaha Golaha Wakiillada ku doorteen magaalada Dhuusamareeb.
Madaxweynaha ayaa hoggaanka cusub ugu hambalyeeyey kalsoonida ay ka heleen mudanayaasha Golaha Wakiillada, isaga oo kula dardaarmay in ay xoogga saaraan sugidda amniga, xal u helidda colaadaha sokeeye, xoojinta midnimada bulshada iyo horumarinta adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale doorashada hoggaanka cusub ku tilmaamay mid taariikhi ah, isaga oo xusay in geeddi-socodka doorashada ay qayb ka ahaayeen boqollaal kun oo qof oo ku kala nool magaalooyinka iyo deegaannada miyiga ah ee Galmudug, taas oo muujinaysa doorka shacabka ee dimuqraadiyeynta iyo dhismaha dowladnimada.
Ugu dambayn, Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey Hoggaamiyaha cusub Liibaan Axmed Xasan iyo ku-xigeenkiisa Cabdiweli Ibraahim Garyare in uu u fududeeyo mas’uuliyadda loo igmaday, si ay uga mira-dhaliyaan himilooyinka shacabka Galmudug ee nabadda, midnimada iyo horumarka.