Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha dib loo doortay ee Maamulka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka, Mudane Cabdifitaax Xasan Afrax, kuwaas oo maanta lagu doortay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hoggaanka cusub ee Hirshabeelle u rajeeyay guul iyo in ay si hufan uga soo dhalaalaan mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, isaga oo ku boorriyey in ay ka shaqeeyaan horumarinta deegaannada maamulka iyo wax ka qabashada baahiyaha bulshada.
Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in hoggaanka cusub uu dardargeliyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, dib-u-heshiisiinta bulshada, dowlad-dhiska iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee ay shacabka Hirshabeelle u baahan yihiin. Waxa uu sidoo kale adkeeyey baahida loo qabo in la xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha maamulka iyo bulshada si loo gaaro horumar waara.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey hannaanka doorasho ee lagu soo doortay hoggaanka cusub ee Hirshabeelle, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta dimuqraadiyeynta, dhismaha hay’adaha dowladnimada iyo ballaarinta ka-qaybgalka shacabka ee geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.
Doorashada Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa ka dhacday magaalada Jowhar, waxaana hoggaanka cusub laga sugayaa in ay sii ambaqaadaan howlaha maamulka, xoojiyaan amniga iyo dib-u-heshiisiinta, isla markaana ka shaqeeyaan horumarinta adeegyada bulshada iyo xasilloonida deegaannada Hirshabeelle.