Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Hambalyo u Diray Hoggaanka Cusub ee Hirshabeelle

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Hoggaamiyaha dib loo doortay ee Maamulka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka, Mudane Cabdifitaax Xasan Afrax, kuwaas oo maanta ku guuleystay doorashadii ka dhacday magaalada Jowhar, xarunta maamulka Hirshabeelle.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa bogaadiyey Xildhibaannada Golaha Wakiillada Hirshabeelle, guddoonka golaha, musharraxiintii ku tartamay xilalka hoggaanka iyo shacabka Hirshabeelle, kuwaas oo uu ku ammaanay fahamka siyaasadeed, xilkasnimada, dulqaadka iyo wacyiga bulsho ee ay muujiyeen intii ay socdeen doorashooyinku.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa tilmaamay in hab-dhaqanka iyo ka-qaybgalka dhinacyada kala duwan ee doorashadu ay ka tarjumayaan horumarka geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo doorashada hoggaanka iyo ka-qaybgalka shacabka ee arrimaha siyaasadeed.

Waxa uu sidoo kale xusay in doorashooyinku ay door muhiim ah ka qaataan dhismaha hay’adaha dowladnimada, xoojinta nidaamka siyaasadeed iyo horumarinta maamul-wanaagga, isaga oo adkeeyey baahida loo qabo in la ilaaliyo wadajirka iyo xasilloonida inta lagu jiro geeddi-socodka siyaasadeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Alle uga baryey Hoggaamiyaha cusub ee Hirshabeelle, Cali Guudlaawe, iyo ku-xigeenkiisa, Cabdifitaax Xasan Afrax, in uu ku guuleeyo mas’uuliyadda loo igmaday, isla markaana ay shacabka Hirshabeelle u horseedaan nabad, midnimo iyo horumar.

Ugu dambayn, hambalyadan ayaa ku soo beegmaysa kaddib doorashadii hoggaanka Hirshabeelle ee ka dhacday magaalada Jowhar, taas oo lagu doortay Cali Guudlaawe iyo Cabdifitaax Xasan Afrax, kuwaas oo laga sugayo inay sii wadaan howlaha maamulka, xoojiyaan amniga iyo dib-u-heshiisiinta, isla markaana ka shaqeeyaan horumarinta adeegyada bulshada iyo baahiyaha deegaannada Hirshabeelle.