Hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Hoggaamiyaha dib loo doortay ee Maamulka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka, Mudane Cabdifitaax Xasan Afrax, kuwaas oo maanta lagu doortay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa labada mas’uul ugu hambalyeeyay xilalka loo doortay, isaga oo u rajeeyay in Alle ku garab galo gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday, si ay si hufan ugu adeegaan shacabka Hirshabeelle, ugana shaqeeyaan horumarinta deegaannada maamulka.
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale hoggaanka cusub u rajeeyay in ay sii xoojiyaan dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, amniga, dib-u-heshiisiinta iyo dowlad-dhiska, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo horumarka iyo adeegyada bulshada ee deegaannada Hirshabeelle.
Waxa uu xusay in mas’uuliyadda loo doortay labada hoggaamiye ay tahay mid u baahan dadaal, dulqaad iyo wada-shaqeyn, si wax looga qabto baahiyaha shacabka, loona xoojiyo xasilloonida iyo horumarka maamulka.
Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ugu dambayn hoggaanka cusub ee Hirshabeelle u rajeeyay guul iyo horumar, isaga oo Alle uga baryay in uu ku guuleeyo gudashada mas’uuliyadda loo doortay ee u adeegidda shacabka iyo horumarinta deegaannada Hirshabeelle.