Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Safiirka Cusub ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cali (Abdisalam Ali), ayaa maanta ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo Safiirka cusub ee Saldanadda Cumaan u soo magacawday Soomaaliya, Mudane Saalim bin Xabiib Al-Cumeyri.

Wasiirka ayaa soo dhoweeyay safiirka cusub, isaga oo u ballanqaaday in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay si buuxda u taageeri doonto gudashada waajibaadkiisa diblomaasiyadeed, si loo xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Cabdisalaan Cali ayaa sidoo kale safiirka ugu hambalyeeyay dib u furista safaaradda Saldanadda Cumaan ee magaalada Muqdisho, kaddib muddo 36 sano ah, isaga oo tallaabadan ku tilmaamay mid muujinaysa kalsoonida xooggan ee ay dowladda Cumaan ku qabto Soomaaliya iyo rabitaanka labada dhinac ee ku aaddan xoojinta xiriirkooda diblomaasiyadeed.

Wasiirka ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la sii adkeeyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Cumaan, lana ballaariyo iskaashiga dhinacyada diblomaasiyadda, dhaqaalaha, ganacsiga iyo arrimaha kale ee labada dal danaha ka dhexeeya.

Dhankiisa, safiirka cusub ee Cumaan u qaabilsan Soomaaliya, Saalim bin Xabiib Al-Cumeyri, ayaa bilaabaya gudashada waajibaadkiisa diblomaasiyadeed, iyadoo dib u furista safaaradda Cumaan ee Muqdisho ay fursad u abuureyso xoojinta xiriirka labada dowladood iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan.

Ugu dambayn, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa dowladda Saldanadda Cumaan uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay u muujiso madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo muujiyay muhiimadda ay leedahay sii wadista xiriirka iyo iskaashiga labada dal.