Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa xarunta Golaha Aqalka Sare kulan kula qaatay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo uu wehelinayay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Aqalka Sare.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqaynta iyo isku-duwidda hawlaha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si loo dardargeliyo gudashada waajibaadka sharci-dejinta iyo arrimaha kale ee muhiimka u ah Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed.
Intii uu kulanku socday, labada guddoomiye ayaa si gaar ah diiradda u saaray xoojinta wada-shaqaynta labada Aqal, dardargelinta hindise-sharciyeedyada muhiimka u ah danaha Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo sidii loo sii ambaqaadi lahaa hawlaha sharci-dejinta ee horyaalla Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, kulanka waxaa looga hadlay u diyaar-garowga ka doodista xisaab-xirka sannad-miisaaniyadeedka 2025, kaas oo muhiim u ah gudashada waajibaadka kormeerka iyo isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda. Arrintan ayaa la xiriirta hubinta habsami-u-socodka hawlaha maaliyadeed iyo ka doodista warbixinnada la xiriira miisaaniyadda, iyadoo la raacayo Dastuurka dalka iyo habraacyada u degsan Baarlamaanka.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Habdhowraha Golaha Aqalka Sare iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, kuwaas oo qayb ka ahaa kulanka diiradda lagu saarayay isku-duwidda hawlaha iyo xoojinta xiriirka shaqo ee labada Aqal.
Wada-shaqaynta labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa muhiim u ah dardargelinta howlaha sharci-dejinta, ka doodista arrimaha qaranka iyo gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee Baarlamaanka.