Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo Kulan la Yeeshay Ganacsatada Beeraleyda si Loo Ballariyo Suuqyada Wax-soo-saarka Dalka

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa maanta kulan la yeeshay ganacsatada iyo beeraleyda Soomaaliyeed, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta wax-soo-saarka beeraha, helitaanka suuqyo cusub iyo xoojinta fursadaha ganacsi ee wax-soo-saarka gudaha dalka.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay sidii loo horumarin lahaa suuq-geynta wax-soo-saarka beeraha Soomaaliyeed, loona abuuri lahaa fursado ganacsi oo u sahla beeraleyda iyo ganacsatada inay wax-soo-saarkooda gaarsiiyaan suuqyo cusub oo gudaha iyo dibadda ah.

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay fursadaha ka dhalan kara suuq cusub oo Dowladda Cumaan ay qorsheyneyso inay dhawaan furto, kaas oo ganacsatada Soomaaliyeed la siin doono fursad ay ku soo bandhigaan wax-soo-saarka gudaha dalka. Arrintan ayaa la xiriirta dadaallada lagu ballaarinayo suuqyada ay beeraleyda Soomaaliyeed ka iibin karaan dalagyada ay soo saaraan.

Intii uu kulanku socday, waxaa sidoo kale la soo jeediyay in la sameeyo guddi iskaashi oo ka kooban Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka iyo wakiillo ka socda ganacsatada iyo beeraleyda. Guddigan ayaa loo qorsheynayaa inuu ka shaqeeyo isku-xirka wax-soo-saareyaasha iyo suuqyada, suuq-geynta dalagyada beeraha iyo fududeynta iibintooda.

Hirgelinta iskaashigan ayaa ujeeddadiisu tahay in la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya beeraleyda, ganacsatada iyo suuqyada wax laga iibiyo, si wax-soo-saarka beeraha Soomaaliyeed uu u helo suuqyo joogto ah oo lagu iibiyo, taas oo muhiim u ah dhiirrigelinta beeraleyda iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Wasiir Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa kulanka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay helitaanka suuqyo lagu iibiyo wax-soo-saarka beeraha, isaga oo tilmaamay in dalab suuq oo joogto ahi uu dhiirrigelin karo beeraleyda, kordhin karo wax-soo-saarka gudaha, isla markaana abuuri karo fursado dhaqaale iyo shaqo-abuur cusub.

Wasiirka ayaa sidoo kale diiradda saaray muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqaynta Wasaaradda iyo ganacsatada, si loo helo hannaan wax ku ool ah oo kor loogu qaadayo wax-soo-saarka beeraha, loona fududeynayo in dalagyada gudaha ay gaaraan suuqyada u baahan.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee lagu horumarinayo wax-soo-saarka beeraha, xoojinta iskaashiga dowladda iyo ganacsatada, iyo ballaarinta suuq-geynta wax-soo-saarka Soomaaliyeed.

Dadaalladan ayaa la xiriira qorshaha lagu xoojinayo isku-filnaanshaha cuntada, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo abuurista fursado cusub oo ay ka faa’iideystaan beeraleyda iyo ganacsatada Soomaaliyeed.