Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Kulan Wadatashi ah la Qaatay Bulshada Rayidka ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay xubno ka tirsan bulshada rayidka ah, kuwaas oo uu ka dhageystay talooyin iyo aragtiyo la xiriira xaaladda guud ee dalka, hawlaha Golaha Shacabka, horumarinta adeegyada bulshada, midnimada iyo difaaca Qaranka.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta Golaha Shacabka iyo bulshada rayidka ah, si loo xaqiijiyo in codka shacabka uu si muuqata uga dhex muuqdo hannaanka sharci-dejinta iyo isla-xisaabtanka.

Intii uu kulanku socday, waxaa sidoo kale laga hadlay doorka bulshada rayidka ah ee la socodka hawlaha Baarlamaanka, ka-qaybgalka doodaha ku saabsan hindise-sharciyeedyada iyo gudbinta talooyinka ku salaysan xog iyo cilmi-baaris.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa tilmaamay in Goluhu muhiimad gaar ah siinayo xoojinta awoodda iyo aqoonta bulshada rayidka ah, si ay ula socdaan hindise-sharciyeedyada Golaha, u qiimeeyaan saameynta ay ku yeelan karaan bulshada, isla markaana ay aragtiyahooda iyo talooyinkooda ugu gudbiyaan hay’adda sharci-dejinta dalka.

Waxa uu sidoo kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay in bulshada rayidka ahi ay la tashato qaybaha kala duwan ee bulshada, si talooyinka la soo gudbinayo ay uga tarjumaan baahiyaha shacabka, ugana qayb qaataan horumarinta sharciyada iyo go’aannada dalka.

Kulanka ayaa lagu soo qaaday barnaamijka Gole Kaab, oo fududeeya xiriirka u dhexeeya bulshada iyo Golaha Shacabka, isla markaana shacabka u suurtageliya inay gudbiyaan cabashooyinkooda, fikradahooda iyo talooyinkooda ku saabsan hawlaha Baarlamaanka.

Barnaamijkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu ballaarinayo ka-qaybgalka bulshada ee hawlaha sharci-dejinta, iyadoo la xoojinayo wada-xiriirka iyo is-dhaafsiga aragtiyaha u dhexeeya Baarlamaanka iyo bulshada rayidka ah.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in laga faa’iidaysto hannaanka casriyeynta tiknoolojiyadda ee laga hirgelinayo Golaha Shacabka, si loo fududeeyo helitaanka xogta, kor loogu qaado hufnaanta hawlaha Baarlamaanka, loona xoojiyo xiriirka hay’adda sharci-dejinta iyo shacabka.

Ugu dambayn, kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo wada-shaqaynta Golaha Shacabka iyo bulshada rayidka ah, si loo kobciyo ka-qaybgalka bulshada, loo xoojiyo isla-xisaabtanka, loona xaqiijiyo in aragtiyaha iyo talooyinka shacabka ay door ku yeeshaan hawlaha sharci-dejinta iyo horumarinta dalka.