Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Kulan la Qaatay Madaxda Warbaahinta Gaarka loo Leeyahay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan la qaatay madaxda warbaahinta gaarka loo leeyahay, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta Golaha Shacabka iyo warbaahinta, ilaalinta xorriyadda saxaafadda iyo horumarinta xiriirka ka dhexeeya hay’adaha dowladda iyo warbaahinta madaxa bannaan.

Kulanka ayaa qayb ka ahaa dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqeyn ku dhisan isfaham, daahfurnaan, kalsooni iyo dhowrista xorriyadda saxaafadda, maadaama warbaahintu ay tahay tiir muhiim u ah isku xirka Golaha Shacabka iyo bulshada Soomaaliyeed, isla markaana ay door weyn ka qaadato gudbinta xogta ku saabsan howlaha baarlamaanka iyo go’aannada saameeya nolosha shacabka.

Intii uu kulanku socday, waxaa si qoto dheer looga hadlay muhiimadda ay leedahay in la helo xiriir joogto ah oo dhexmara Golaha Shacabka iyo warbaahinta, si bulshada Soomaaliyeed ay ula socdaan howlaha baarlamaanka, doodaha mudanayaasha, sharciyada la ansixiyo iyo go’aannada kale ee masiiriga u ah dalka.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu falanqeeyey ilaalinta madaxbannaanida saxaafadda, xaqiijinta xogta ka hor inta aan la baahin, ka hortagga wararka been-abuurka ah iyo sare u qaadista wacyiga bulshada. Madaxda warbaahinta ayaa muhiimad gaar ah u leh gudbinta warar sugan oo dheellitiran, kuwaas oo bulshada ka caawinaya inay helaan xog sax ah oo ay ku fahmaan xaaladaha siyaasadeed, amni iyo bulsho ee dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in warbaahinta xorta ah ee sameysa dabagal, su’aalo weydiinta masuuliyiinta iyo dhaliil wax dhisaysa ay door muhiim ah ka qaadato horumarka dalka, daahfurnaanta maamulka iyo isla xisaabtanka hay’adaha dowladda.

Wuxuu tilmaamay in dhaliisha wax dhisaysa ay qayb ka tahay horumarinta dowladnimada, maadaama ay fursad u siiso hay’adaha dowladda inay ogaadaan caqabadaha jira, dib u eegaan howlaha ay qabtaan, isla markaana ay hagaajiyaan adeegyada ay bulshada u fidiyaan. Waxa uu sidoo kale muhiimad gaar ah siiyey wada-shaqeynta labada dhinac, iyadoo la dhowrayo doorka warbaahinta ee u adeegidda bulshada.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa madaxda warbaahinta ku boorriyey inay si masuuliyad leh uga shaqeeyaan gudbinta xogta, kana hortagaan faafinta wararka been-abuurka ah iyo dacaayadaha uu sheegay inay u adeegayaan Kooxda AS, cadowga iyo cid kasta oo wada qorshayaal ka dhan ah dalka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

Wuxuu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in warbaahintu xaqiijiso xogaha ay baahinayso, gaar ahaan wararka la xiriira amniga iyo arrimaha qaranka, si looga fogaado marin-habaabinta bulshada iyo faafinta xog aan sal lahayn.

Warbaahinta ayaa ka mid ah hay’adaha muhiimka u ah dhismaha dowladnimada, ilaalinta danaha bulshada iyo xoojinta isla xisaabtanka. Sidaas darteed, wada-shaqeynta ka dhexeysa Golaha Shacabka iyo warbaahinta ayaa muhiim u ah sidii bulshada Soomaaliyeed ay u heli lahayd xog sugan oo ku saabsan howlaha baarlamaanka iyo horumarka dalka.

Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli ay muhiim tahay in la sii xoojiyo xiriirka ka dhexeeya hay’adaha dowladda iyo warbaahinta, iyadoo la ilaalinayo madaxbannaanida saxaafadda, lana dhiirrigelinayo gudbinta xogta saxda ah, dabagalka howlaha dowladda iyo wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed.