Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, ayaa kulan la yeeshay Xoghayaha Dowladda ahna Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha ee Federaalka Ruushka, Mudane Igor Zubov, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amni ee labada dal.
Kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay taageerada iyo tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, tababarka saraakiisha, horumarinta aqoontooda iyo xirfadahooda shaqo, iyo is-weydaarsiga khibradaha la xiriira sugidda amniga.
Wasiirka Amniga Gudaha ayaa dhiggiisa Ruushka kala hadlay sidii loo xoojin lahaa taageerada dhinaca tababarrada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan la-dagaallanka argagixisada, ka hortagga fikirka xagjirka ah iyo ciribtirka sababaha keena xagjirnimada.
Sidoo kale, labada mas’uul ayaa ka wada hadlay horumarinta awoodda hay’adaha amniga Soomaaliya, iyadoo la isla soo qaaday ballaarinta iskaashiga dhinacyada baarista dambiyada, amniga internetka iyo ka hortagga khataraha cusub ee amniga.
Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha ee Federaalka Ruushka, Igor Zubov, ayaa dhankiisa muujiyay sida dalkiisu diyaar ugu yahay inuu Soomaaliya la wadaago aqoonta, khibradaha iyo tababarrada la xiriira la-dagaallanka dambiyada iyo xoojinta amniga.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ay ku doonayso xoojinta xiriirka iyo iskaashiga caalamiga ah, iyo dhismaha awoodda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si ay si hufan uga hortagaan argagixisada, xagjirnimada iyo khataraha kale ee amniga dalka.