Guddoomiyaha SoDMA oo Soomaaliya ku matalay Madasha 2-aad ee Maareynta Musiibooyinka Bariga Afrika oo lagu qabtay Kenya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Soomaaliya ku matalay fadhiga heerka sare ee wasiirrada Madasha 2-aad ee Bariga Afrika ee Tallaabooyinka Ka-hortagga Saameynta Musiibooyinka (EADP2), kaas oo 30-kii Oktoobar 2026 lagu qabtay magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Madashan oo ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiin heer wasiir iyo madax ka kala socday dalalka Bariga Afrika ayaa diiradda lagu saaray sidii dalalka gobolka ay u xoojin lahaayeen iskaashiga iyo wada-shaqeynta ku aaddan ka-hortagga musiibooyinka, diyaar-garowga xaaladaha degdegga ah iyo yaraynta saameynta ay bulshada ku yeeshaan dhibaatooyinka dabiiciga ah iyo kuwa kale ee bani’aadannimo.

Waxaa kulanka ka qaybgalay wasiirrada qaabilsan arrimaha bani’aadannimada iyo maareynta musiibooyinka ee dalalka Koonfurta Suudaan iyo Uganda, Wasiirka Deegaanka Kenya, Xoghayaha Fulinta ee Maareynta Musiibooyinka Jabuuti, Guddoomiyaha Maareynta Musiibooyinka Suudaan iyo Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD.

Intii ay socdeen doodaha madasha, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray xoojinta nidaamyada digniinta hore, si bulshada iyo hay’adaha dowladda ay xog ku filan uga helaan khataraha soo socda, ugana qaadaan tallaabooyin degdeg ah ka hor inta aysan xaaladahaasi isu beddelin musiibooyin sababa khasaaro naf iyo maalba leh.

Sidoo kale, waxaa laga hadlay muhiimadda ay leedahay in ajandaha Tallaabooyinka Ka-hortagga Saameynta Musiibooyinka (Anticipatory Action) lagu daro siyaasadaha iyo qorshayaasha qaranka, si loo helo hannaan mideysan oo ay dowladuhu ugu diyaar garoobaan khataraha soo wajaha dalalkooda, gaar ahaan abaaraha, fatahaadaha, isbeddelka cimilada iyo xaaladaha kale ee degdegga ah.

Ka qaybgalayaasha ayaa sidoo kale isla soo qaaday baahida loo qabo in la helo maalgelin joogto ah oo lagu taageerayo tallaabooyinka ka-hortagga musiibooyinka, iyadoo la xoojinayo awoodda hay’adaha dowliga ah, iskaashiga dalalka gobolka iyo taageerada saaxiibbada caalamiga ah.

Dhanka Soomaaliya, Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdigiisa ayaa madasha ka muujiyay sida ay uga go’an tahay in dalka uu si buuxda u qarameeyo ajandaha Anticipatory Action, isla markaana uu hirgeliyo Khariidadda Qaran ee arrintan la xiriirta, si loo helo qorshe mideysan oo lagu saadaaliyo laguna yareeyo saameynta khataraha musiibooyinka.

Soomaaliya ayaa sidoo kale xaqiijisay muhiimadda ay siinayso xoojinta isku-duwidda hay’adaha kala duwan, isla-xisaabtanka iyo kordhinta maalgelinta gudaha, iyadoo la kaashanayo saaxiibbada caalamiga ah. Ujeeddadu waa in dowladdu hoggaamiso qorsheynta iyo fulinta tallaabooyinka ka-hortagga musiibooyinka, halka hirgelintana lagu saleeyo baahiyaha dhabta ah ee ka jira heer deegaan.

Ka qaybgalka Soomaaliya ee madashan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga gobolka iyo horumarinta hababka maareynta musiibooyinka, iyadoo la doonayo in laga gudbo habka gurmadka kaddib marka musiibo dhacdo, loona wareego qorshe hore loogu sii diyaar garoobo khataraha, laguna yareeyo khasaaraha ka dhalan kara.

Madasha EADP2 ayaa sidoo kale fursad u ah dalalka Bariga Afrika inay wadaagaan khibradaha, qorshayaasha iyo xeeladaha lagu horumarinayo digniinta hore, diyaar-garowga iyo ka-hortagga saameynta musiibooyinka, si loo ilaaliyo nolosha dadka, hantidooda iyo ilaha dhaqaale ee bulshada.