Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo shir aan caadi ahayn ka yeeshay xaaladda amniga deegaannada maamulkaas

Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyey shir aan caadi ahayn oo looga hadlay xaaladda guud ee amniga deegaannada maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda amni, xoojinta sugidda amniga iyo dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida.

Shirka ayaa si gaar ah loogu falanqeeyay xaaladda amni ee deegaannada kala duwan ee Koonfur Galbeed, iyadoo la isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo in si joogto ah loola socdo xaaladaha amni ee deegaannada maamulkaas.

Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa adkeeyay baahida loo qabo in la dardargeliyo howlaha sugidda amniga, lana xoojiyo dadaallada lagu ilaalinayo shacabka iyo hantidooda. Waxa uu tilmaamay in nabadgelyada bulshada ay tahay masuuliyad mudnaan gaar ah u leh maamulka, isla markaana loo baahan yahay wada-shaqeyn dheeraad ah oo dhex marta hay’adaha amniga iyo qeybaha kale ee ay khuseyso.

Shirkan ayaa qeyb ka ah dadaallada maamulka Koonfur Galbeed uu ku doonayo inuu ku xoojiyo amniga iyo xasilloonida deegaannadiisa, xilli ay socdaan howlaha la xiriira sugidda amniga iyo ka hortagga falalka amni-darrada.

Waxaa shirka ka qeybgalay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed Eleey, Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Isaaq Maxamed Korsaar, iyo Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada, Cabdiraxiin Maxamed Xasan Laamey.