Dowlada Itoobiya Oo Gacanta Ku Dhigtay Hub,Lacag Iyo Dadkii Watey

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in booliiska dalkaasi ay qabteen lacag doolar ah.

Lacagtani oo dhanayd malaayiin doolar ayaa lagu qabtay howlgal ay hormuud ka ahaayeen sirdoonka dalka Itoobiya.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Federaalka Itoobiya ayaa waxa ay sheegeen in hubkaas lagu soo qabtay howlgal laga sameeyey gudaha iyo daafaha itoobiya,isla markaana ay gacanta ku hayaan dadkii watay.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in baaritaano ay ku hayaan lcagtaas malaayiinka dollarka ah iyo dadka watey iyo sidoo kale hubka faraha badan,waxaana arrintaan ay ku soo aadeysaa xilli dagaalo u dhaxeeya qowmiyada Oromada iyo soomaalida ay ka socdeen deegaano ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.