Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo Booqasho Rasmi ah ku Gaaray Dalka Jabuuti

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), iyo wafdi xildhibaano ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaas oo si diirran loogu soo dhoweeyay.

Wafdiga Guddoomiyaha waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Golaha Qaranka ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Dileita Mohamed Dileita, iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalkaas.

Safarka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ah booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo afar maalmood ah, kaddib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Jabuuti, Guddoomiyaha Golaha Qaranka, Mudane Dileita Mohamed Dileita.

Booqashadan ayaa la xiriirta xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, kaas oo ku dhisan walaaltinimo, derisnimo iyo iskaashi labada dal ah.

Inta uu safarku socdo ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada Baarlamaan, isdhaafsiga khibradaha sharci-dejinta, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha Baarlamaanada iyo ilaalinta danaha wadajirka ah ee labada dal iyo shacabkooda.

Sidoo kale, booqashadan ayaa fursad u noqon doonta labada dhinac inay ka wada hadlaan arrimo la xiriira xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Jabuuti.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa ku wehliya Habdhowraha Golaha Shacabka, Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux), xildhibaano kale oo ka tirsan Golaha Shacabka iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka.

Safarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga siyaasadeed ee labada dal ee walaalaha ah.