Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Carabta, Mudane Sacad Bin Saliib Al-Cutaybi, kaddib markii loo doortay xilkaas.
Guddoomiyaha ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub inuu guul iyo horumar ka gaaro gudashada waajibaadka loo igmaday, isaga oo u muujiyay hambalyo ku aaddan xilka cusub ee loo doortay.
Sidoo kale, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa soo dhoweeyay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga baarlamaaniga ah ee u dhexeeya Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Carabta.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay horumarinta wada-shaqeynta labada Baarlamaan, isdhaafsiga khibradaha iyo iskaashiga ku aaddan danaha wadajirka ah, si loo sii xoojiyo xiriirka walaaltinimo ee Soomaaliya iyo dalalka Carabta.
Tallaabadan ayaa muujinaysa muhiimadda uu Golaha Shacabka siinayo xiriirka iyo iskaashiga baarlamaaniga ah ee Soomaaliya la leedahay Baarlamaanka Carabta.