Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Maamulka Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 7-aad ee kalfadhiga 59-aad ee Golaha Wakiillada.
Ajandaha kulanka ayaa ahaa la-xisaabtanka hay’adaha xukuumadda, waxaana Golaha hortimid Wasaaradda Macdanta, Tamarta iyo Biyaha, oo ay weheliyeen masuuliyiinta Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland iyo Wakaaladda Tamarta Puntland.
Ugu horreyn, wasiirka iyo masuuliyiinta hay’adaha la socday ayaa Golaha Wakiillada la wadaagay warbixin ku saabsan waxqabadka wasaaradda, qorshayaasha u degsan mustaqbalka iyo caqabadaha ka jira gudashada waajibaadkooda shaqo.
Intii uu kulanku socday, xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa wasiirka iyo masuuliyiinta kale su’aalo ka weydiiyey howlaha shaqo ee wasaaradda, waxqabadka la qabtay, qorshayaasha horumarineed iyo sida loo wajahayo caqabadaha ka jira dhinacyada macdanta, tamarta iyo biyaha.
Kulankan ayaa qeyb ka ah howlaha kormeerka iyo la-xisaabtanka ee Golaha Wakiillada Puntland uu ku gudanayo waajibaadkiisa dastuuriga ah, si loo qiimeeyo waxqabadka hay’adaha xukuumadda iyo fulinta qorshayaasha adeegyada bulshada.