Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa duleedka magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose kula hadlay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 8-aad ee Qaybta 60-aad iyo Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor ee Qaybta 1-aad.
Taliyaha ayaa kulanka ciidamada kula yeeshay goobta waxaa uu ugu jeediyey dardaaran, dhiirrigelin iyo tilmaamo la xiriira gudashada waajibaadka qaran ee loo igmaday, isaga oo si gaar ah u adkeeyey muhiimadda ay leedahay in ciidamada ay muujiyaan feejignaan joogto ah, geesinnimo, isku-duubni iyo diyaar-garow buuxa oo ay kaga jawaabaan xaalad kasta oo amni.
S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa ciidamada xusuusiyey masuuliyadda weyn ee ka saaran ilaalinta dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku boorriyey inay muujiyaan karti, anshax ciidan iyo isku xirnaan, si ay si hufan ugu gutaan howlaha amni ee loo igmaday.
Sidoo kale, Taliyaha ayaa ciidamada kula dardaarmay in aysan ka daalin dadaallada lagu xaqiijinayo amniga deegaannada laga xoreynayo kooxda AS, isla markaana ay ka faa’iideystaan fursad kasta oo ay ku wiiqi karaan awoodda kooxda, kana hortagi karaan falalka amni-darro ee ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.
Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyey in guusha howlgal kasta oo ciidan ay ku xiran tahay wada-shaqeyn, isku-duubni, hoggaan wanaagsan iyo in askari kasta uu si buuxda u fahmo waajibaadka saaran, isaga oo ciidamada ku boorriyey inay ilaaliyaan sumcadda iyo sharafta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Booqashada Taliyaha ayaa qayb ka ah kormeerka iyo dhiirrigelinta ciidamada ku sugan deegaannada howlgalada amni ay ka socdaan, iyadoo ujeeddadu tahay in la xoojiyo diyaar-garowga iyo awoodda ciidamada ee sugidda amniga.
Ugu dambeyn, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku boorriyey geesiyaasha ciidanka inay sii laba-jibbaaraan dadaalkooda, muujiyaan adkaysi, waddaniyad iyo naf-hurnimo, si loo xaqiijiyo himilada ah in Soomaaliya ay noqoto dal nabdoon, ammaan ah, midaysan, kana xor ah kooxda AS.