Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali, ayaa kulan rasmi ah oo laba geesood ah magaalada Jakarta kula yeeshay Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Indonesia, Mudane Anis Matta, kaas oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Indonesia.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga caalamiga ah, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo horumarinta xiriirka saaxiibtinimo ee kala dhexeeya dalalka ay wadaagaan danaha siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho.
Labada wasiir-ku-xigeen ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Indonesia, iyagoo isla soo qaaday fursadaha cusub ee lagu ballaarin karo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.
Wadahadallada ayaa si gaar ah loogu falanqeeyay fursadaha iskaashi ee dhinacyada beeraha, xoolaha, kalluumeysiga iyo dhaqaalaha badda, kuwaas oo muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha iyo abuurista fursado horumarineed. Sidoo kale, waxaa la isla eegay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta iyo amniga badda.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii ganacsatada iyo maalgashadayaasha labada dal loogu abuuri lahaa jawi u sahla inay yeeshaan xiriir ganacsi oo xooggan, isla markaana ay uga faa’iideystaan fursadaha dhaqaale ee ka jira Soomaaliya iyo Indonesia. Arrintan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu ballaarinayo xiriirka dhaqaale iyo sidii iskaashiga labada dowladood looga dhigi lahaa mid ka gudba xiriirka diblomaasiyadeed ee caadiga ah.
Dhanka kale, kulanka waxaa lagu soo qaaday arrimaha siyaasadda iyo diblomaasiyadda, kobcinta awoodda hay’adaha dowladda iyo xoojinta wada-shaqeynta labada dal ee dhinacyada badan. Labada mas’uul ayaa sidoo kale is-weydaarsaday aragtiyo ku saabsan xaaladaha siyaasadeed ee gobolka iyo kuwa caalamka, iyo muhiimadda ay leedahay in labada dal ay yeeshaan isku-duwid iyo wada-tashi ku saabsan arrimaha ay danaha wadajirka ah ka leeyihiin.
Waxaa si gaar ah loo adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga Soomaaliya iyo Indonesia ee madalaha caalamiga ah, gaar ahaan Qaramada Midoobay iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), iyadoo labada dhinac ay muujiyeen sida ay muhiim u tahay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta iyo isku-duwidda mowqifyada diblomaasiyadeed ee labada dal.
Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali, ayaa kulanka ku muujiyay muhiimadda ay dowladda Soomaaliya siinayso horumarinta xiriirka ay la leedahay Indonesia, iyadoo la doonayo in xiriirka labada dal laga faa’iideysto sidii loo abuuri lahaa fursado cusub oo dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo horumarinta hay’adaha ah.
Dhankiisa, Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Indonesia, Anis Matta, ayaa kulanka kala hadlay dhinaca Soomaaliya sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga labada dowladood, iyadoo la ballaarinayo wada-shaqeynta dhinacyada ay labada dal danaha wadajirka ah ka leeyihiin.
Ugu dambeyn, labada mas’uul ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Indonesia, iyagoo adkeeyay in wada-shaqeynta labada dal ay ku dhisnaan doonto is-ixtiraam, dano wadaag iyo horumar waara.
Kulankan ayaa muujinaya dadaallada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay ku doonayso ballaarinta xiriirka ay la leedahay dalalka caalamka, xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo maalgashi, iyo sidii loo heli lahaa fursado cusub oo wax ku biirin kara horumarka dalka.