Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb kaga qaybgalay munaasabadda caleema-saarka hoggaamiyaha cusub ee maamulka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, iyo ku-xigeenkiisa, Mudane Cabdiweli Ibraahim Aadan (Garyare).
Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa hambalyo u diray hoggaanka cusub ee Galmudug, isaga oo bogaadiyay hannaanka lagu soo doortay hoggaanka maamulka iyo hay’adaha cusub ee Galmudug, kuwaas oo uu sheegay inay ku yimaadeen hannaan daah-furan oo bulshada deegaannadu codkooda ku doorteen.
Xamsa Cabdi Barre ayaa hoggaanka cusub kula dardaarmay inay xoogga saaraan horumarinta Galmudug, adeegyada bulshada iyo xoojinta amniga, isaga oo sidoo kale ku boorriyay inay sii ambaqaadaan hannaanka doorashooyinka madaxa-bannaan ee lagu soo doortay.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in shacabka Soomaaliyeed ay doonayaan doorasho xor ah oo ay iyagu gacanta ku hayaan, kuna soo xushaan hoggaankooda iyo cidda loo igmanayo mas’uuliyadda hay’adaha dowladda. Waxa uu xusay in Xukuumadda DanQaran ay dadaal ugu jirto xoojinta mabaadi’da doorashooyinka iyo dhammaystirka Dastuurka dalka.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay wada-hadal iyo is-dhageysi siyaasadeed, isaga oo tilmaamay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu gogol wada-hadal u fidiyay siyaasiyiinta iyo cid kasta oo aragti ahaan ka duwan dowladda.
Waxa uu ugu baaqay siyaasiyiinta iyo dhinacyada kala aragtida duwan inay qayb ka noqdaan dadaallada lagu xallinayo khilaafaadka siyaasadeed, si dalka loogu jiheeyo nabad, midnimo iyo xasillooni siyaasadeed.