Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar oo Dugsiga Xananbuure kula hadlay ciidamo cusub oo ku soo biiraya CXDS

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Gen. Khalid), ayaa maanta booqasho ku tegay Dugsiga Tababarka Xananbuure, halkaas oo uu kulan kula yeeshay cutubyo cusub oo dhawaan ku biiri doona Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo halkaasi ku qaadanaya tababar ciidan oo loogu diyaarinayo gudashada waajibaadka qaran.

Taliyaha ayaa ciidamada cusub u jeediyay khudbad soo dhoweyn iyo dardaaran isugu jirta, isaga oo ku bogaadiyay go’aanka ay qaateen ee ah inay u istaagaan difaaca dalkooda, dadkooda iyo diintooda. Waxa uu tilmaamay in ku biirista Ciidanka Xoogga Dalka ay tahay masuuliyad qaran oo u baahan dadaal, daacadnimo, geesinnimo iyo in askarigu diyaar u ahaado inuu naftiisa iyo waqtigiisa u huro ilaalinta qarannimada iyo midnimada dalka.

Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa sidoo kale ciidamada kula dardaarmay inay si wanaagsan uga faa’iideystaan tababarka ay ku jiraan, isla markaana ay muujiyaan dadaal, dulqaad iyo adkaysi, si ay u noqdaan ciidamo leh aqoon, xirfad iyo karti ay ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu xusay muhiimadda ay leedahay in askarigu yeesho anshax wanaagsan, ixtiraamo saraakiisha ka sarreysa, isla markaana ilaaliyo wadajirka iyo nidaamka ciidanka.

Dhanka kale, Taliyaha ayaa sagootiyay cutubyo kale oo iyaguna tababarkooda ku soo dhammeystay Dugsiga Tababarka Xananbuure, kuwaas oo hadda isu diyaarinaya inay ka mid noqdaan ciidamada loo xilsaari doono gudashada waajibaadka qaran ee saaran Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa askarta tababarka dhammeysatay kula dardaarmay inay ilaaliyaan aqoonta iyo xirfadaha ay muddada tababarka ku qaateen, ayna ku dhaqmaan anshaxa iyo shuruucda ciidanka, iyaga oo mar walba dhowraya xuquuqda shacabka iyo badqabka dadka rayidka ah.

Waxa uu si gaar ah ugu adkeeyay ciidamada muhiimadda ay leedahay Alle ka cabsiga, feejignaanta, geesinnimada, adkaysiga iyo masuuliyadda ka saaran ilaalinta amniga dalka. Waxa uu sidoo kale xusay in ciidanku uu yahay hay’ad qaran oo u adeegta dhammaan shacabka Soomaaliyeed, sidaas darteedna looga baahan yahay inay ku shaqeeyaan cadaalad, daacadnimo iyo dhowrista sharciga.

Ugu dambeyn, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa sheegay in Soomaaliya ay maanta u baahan tahay ciidamo leh waddaniyad, karti, aqoon iyo masuuliyad, kuwaas oo door muuqda ka qaata sugidda amniga, difaaca shacabka iyo la dagaallanka kooxda AS.

Booqashada iyo kulanka Taliyaha ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dhiirrigelinayo ciidamada cusub iyo kuwa dhammaystay tababarka, si loo xoojiyo tayada, diyaargarowga iyo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee gudashada waajibaadkooda qaran.