Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Garyaqaan Ibraahim Iidle Sulaymaan, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, kaddib munaasabad xil-wareejin ah oo ka dhacday xarunta Maxkamadda Sare ee dalka.
Munaasabadda xil-wareejinta iyo soo dhoweynta Guddoomiyaha cusub waxaa garwadeen ka ahaa Garsoore Cabdalle Xaaji Maxamed, oo ah garsooraha ugu da’da weyn uguna khibradda badan Maxkamadda Sare, waxaana ka soo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo bahda garsoorka.
Masuuliyiinta ka qeyb galay munaasabadda waxaa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, madaxda hay’adaha Booliiska iyo Asluubta, Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka, Guddiga Fulinta Ururka Qareennada Soomaaliyeed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan hay’adaha caddaaladda.
Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare, Garyaqaan Ibraahim Iidle Sulaymaan, oo munaasabadda ka jeediyay hadal kooban, ayaa sheegay in hawlaha shaqo ee Maxkamadda Sare ay halkoodii ka sii socon doonaan, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay dardargelinta howlaha garsoorka iyo horumarinta nidaamka caddaaladda dalka.
Waxa uu sidoo kale ku baaqay in la xoojiyo dhowrista sharciga, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo madax-bannaanida garsoorka, isaga oo tilmaamay in hay’adaha caddaaladdu ay door muhiim ah ku leeyihiin dhismaha dowladnimada iyo kalsoonida shacabka.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale muujiyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta hay’adaha garsoorka iyo dhammaan qeybaha ay khuseyso, si loo helo hannaan caddaaladeed oo hufan, isla markaana si wanaagsan uga jawaaba baahiyaha bulshada Soomaaliyeed.
La wareegista xilkan ayaa qeyb ka ah isbeddellada hoggaamineed ee ka socda hay’adaha garsoorka dalka, iyadoo laga sugayo Guddoomiyaha cusub inuu sii ambaqaado howlaha Maxkamadda Sare, korna u qaado tayada iyo hufnaanta adeegyada caddaaladda Soomaaliya.