Madaxweyne Xasan Sheekh oo Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ku hor dhaariyey Aqalka Madaxtooyada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah ugu hor dhaariyey Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee dalka, Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan, kaddib munaasabad kooban oo ka dhacday Aqalka Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweynaha ayaa Guddoomiyaha cusub kula dardaarmay inuu si hufan, daacadnimo iyo xilkasnimo leh u guto waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday, isaga oo xusay in xilka garsoorku uu xambaarsan yahay masuuliyad weyn oo la xiriirta ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo xaqiijinta caddaaladda.

Xasan Sheekh ayaa si gaar ah u adkeeyay muhiimadda ay leedahay dhowrista madax-bannaanida garsoorka, ilaalinta sharciga iyo xaqiijinta in dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan caddaalad loo siman yahay, iyada oo aan loo kala eegin cidda ay yihiin ama xilalka ay hayaan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in garsoor madax-bannaan oo hufan uu saldhig u yahay dhismaha dowladnimada, xoojinta kalsoonida shacabka iyo ilaalinta nidaamka dastuuriga ah ee dalka.

Munaasabadda dhaarinta waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, iyo masuuliyiin kale.

Dhaarinta Guddoomiyaha cusub ayaa timid kaddib markii uu si rasmi ah ula wareegay xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, waxaana laga sugayaa inuu hoggaamiyo howlaha garsoorka, dardargeliyo horumarinta nidaamka caddaaladda, isla markaana xoojiyo madax-bannaanida iyo hufnaanta hay’adaha garsoorka dalka.