Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay Safiirka cusub ee Dowladda Cummaan u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Saalim bin Xabiib Al-Cumeyri, kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed, kobcinta iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga, iyo xoojinta isku-xirka gaadiidka, iyadoo labada dhinac ay isla soo qaadeen fursadaha cusub ee ka jira marin-biyoodka iyo isu-socodka badeecadaha.
Sidoo kale, waxaa kulanka lagu falanqeeyay muhiimadda ay leedahay fududeynta isu-socodka gaadiidka iyo badeecadaha, horumarinta isku-xirka dekedaha iyo ballaarinta ganacsiga labada dal, si loo abuuro fursado dhaqaale oo wax ku ool u ah Soomaaliya iyo Cummaan.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulanka ka sheegay muhiimadda ay Soomaaliya siinayso xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee ay la leedahay Dowladda Cummaan, isaga oo tilmaamay in labada dal ay leeyihiin xiriir soo jireen ah oo ku dhisan taariikh, derisnimo goboleed iyo dano wadaag ah.
Waxa uu sidoo kale muujiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta labada dowladood, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, gaadiidka iyo horumarinta fursadaha maalgashi, kuwaas oo muhiim u ah kobaca dhaqaalaha iyo isku-xirka gobolka.
Dhankiisa, Safiirka cusub ee Dowladda Cummaan u fadhiya Soomaaliya, Mudane Saalim bin Xabiib Al-Cumeyri, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee loo sameeyay, isaga oo adkeeyey muhiimadda xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.
Danjiraha ayaa sidoo kale muujiyay sida Dowladda Cummaan ay u danaynayso sii xoojinta xiriirka Soomaaliya, ballaarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan iyo ka shaqeynta fursadaha cusub ee labada dal ka dhexeeya.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka ay la leedahay dalalka saaxiibka ah, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo iskaashiga dhaqaale, ganacsi iyo isku-xirka gaadiidka ee gobolka.