Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta oo Sabti ah gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle, halkaas oo uu kaga qaybgalayo munaasabadda caleema-saarka Hoggaamiyaha cusub ee maamulka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), iyo ku-xigeenkiisa.
Guddoomiyaha iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere ee magaalada Jowhar si diirran ugu soo dhaweeyay Hoggaamiyaha Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), xildhibaanno, wasiirro, saraakiil ciidan, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka iyo boqolaal ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Jowhar.
Soo dhoweynta wafdiga Duqa Muqdisho ayaa qeyb ka ahayd diyaar-garowga iyo qabanqaabada munaasabadda caleema-saarka Hoggaanka cusub ee Hirshabeelle, taas oo ay ka qeybgalayaan madax ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, hoggaamiyeyaasha maamullada dalka iyo marti sharaf kale.
Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa uga mahadceliyey Hoggaamiyaha Hirshabeelle, mas’uuliyiinta kala duwan iyo shacabka magaalada Jowhar soo dhoweynta diirran ee isaga iyo wafdigiisa loogu sameeyay magaalada.
Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale muujiyey muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta ka dhexeysa Maamulka Gobolka Banaadir iyo maamullada kale ee dalka, si loo horumariyo iskaashiga hay’adaha dowliga ah loona dardargeliyo adeegyada iyo horumarka bulshada.
Ka qeybgalka munaasabadda caleema-saarka ee Hoggaanka Hirshabeelle ayaa muujinaya muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta maamullada dalka, adkeynta xiriirka dowladeed iyo xoojinta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.