Hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhoweeyey magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe, ahna caasimadda Maamulka Hirshabeelle.
Hoggaamiyaha iyo wafdigiisa ayaa magaalada Jowhar u gaaray ka qaybgalka munaasabadda caleema-saarka Hoggaamiyaha cusub ee Maamulka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), iyo ku-xigeenkiisa, Mudane Cabdifataax Xasan Afrax, kuwaas oo dhawaan loo doortay hoggaanka maamulkaas.
Soo dhoweynta wafdiga waxaa ka qaybgalay Hoggaamiyaha la doortay ee Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada maamulka, xildhibaanno, siyaasiyiin, saraakiil ka tirsan ciidamada iyo boqollaal ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Jowhar.
Munaasabadda soo dhoweynta ayaa muujinaysay diyaar-garowga magaalada Jowhar ee martigelinta madaxda iyo wafdiyada kala duwan ee ka qaybgalaya caleema-saarka hoggaanka cusub ee Hirshabeelle.
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Madoobe, ayaa ka mid ah madaxda maamullada dalka ee lagu casuumay munaasabaddan, taas oo ay sidoo kale ka qaybgalayaan mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, hoggaamiyeyaasha maamullada dalka, siyaasiyiin, xildhibaano iyo marti sharaf kale.
Caleema-saarka hoggaanka cusub ee Hirshabeelle ayaa ah munaasabad siyaasadeed oo ay isugu imaanayaan madaxda heer federaal iyo heer maamul, iyadoo magaalada Jowhar ay martigelinayso kulamo iyo munaasabado la xiriira xil-wareejinta iyo bilowga hoggaanka cusub ee maamulka.