Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo dalka Shiinaha kula kulmay ganacsato iyo shirkado waaweyn

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa dalka Shiinaha kulamo kula yeeshay qaar ka mid ah ganacsatada iyo madaxda shirkadaha waaweyn ee dalkaas, kuwaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka ganacsi iyo iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Kulankan oo ay ka qaybgaleen madaxda shirkado ganacsi oo kala duwan oo ka howlgala dalka Shiinaha iyo wafdiga Soomaaliya ayaa si gaar ah looga wada hadlay sidii loo horumarin lahaa xiriirka ganacsi ee labada dal, loona abuuri lahaa fursado cusub oo ay ganacsatada labada dhinac isaga kaashan karaan dhinacyada ganacsiga, warshadaha iyo maalgashiga.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa intii uu kulanku socday ganacsatada iyo shirkadaha Shiinaha ku dhiirrigeliyey inay booqdaan Soomaaliya, isla markaana ka faa’iideystaan fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, wax-soo-saarka, warshadaha iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu soo bandhigay fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, iyadoo wafdiga Soomaaliyeed ay ganacsatada Shiinaha la wadaageen fursadaha dhaqaale iyo ganacsi ee dalka ka jira iyo meelaha ay shirkadaha Shiinuhu kaalin ka qaadan karaan horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga ganacsi ee labada dal, lana dhiirrigeliyo maalgashiga shirkadaha caalamiga ah ee doonaya inay ka qaybqaataan horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Booqashada iyo kulamadan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee lagu ballaarinayo xiriirka ganacsi ee Soomaaliya ay la leedahay dalalka caalamka, iyadoo sidoo kale la raadinayo suuqyo cusub iyo maalgashi shisheeye oo gacan ka geysan kara kobcinta dhaqaalaha dalka.

Shiinaha ayaa ka mid ah dalalka Soomaaliya ay la leedahay xiriir ganacsi iyo iskaashi dhaqaale, waxaana kulamadan laga filayaa inay horseedaan fursado dheeraad ah oo lagu horumarin karo ganacsiga, laguna dhiirrigelin karo shirkadaha Shiinaha inay maalgashi ku sameeyaan Soomaaliya.