Hoggaamiyaha Galmudug Liibaan Axmed Xasan oo ka qeybgalay caleema-saarka Hoggaanka cusub ee Hirshabeelle

Hoggaamiyaha Dowladda-Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta magaalada Jowhar kaga qeybgalay munaasabadda caleema-saarka Hoggaanka cusub ee Dowladda-Goboleedka Hirshabeelle, taas oo ay ka qeybgaleen madax ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, hoggaamiyeyaasha maamul-goboleedyada iyo mas’uuliyiin kale.

Hoggaamiye Liibaan Axmed Xasan oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Hoggaamiyaha Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), ku-xigeenkiisa Mudane Cabdifitaax Xasan Afrax iyo dhammaan hay’adaha maamulka ee la caleema-saaray.

Waxa uu hoggaanka cusub u rajeeyay guul iyo horumar, isaga oo sheegay in laga sugayo inay shacabka Hirshabeelle u horseedaan maamul wanaag, adeegyo bulsho iyo horumar dhinacyada kala duwan leh.

Sidoo kale, Hoggaamiyaha Galmudug ayaa khudbaddiisa ku adkeeyay muhiimadda ay leeyihiin dib-u-heshiisiinta bulshada, ilaalinta midnimada iyo xoojinta wadajirka, isaga oo tilmaamay in hoggaanka cusub ay mas’uuliyad weyn ka saaran tahay mideynta bulshada ku dhaqan deegaannada Hirshabeelle.

Ugu dambeyn, Liibaan Axmed Xasan ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo iskaashi iyo wada-shaqeyn dhex marta maamul-goboleedyada dalka, si loo xoojiyo dowlad-dhiska Soomaaliya, loona dardargeliyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, amniga iyo horumarka guud ee dalka.