Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa magaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya kula saxiixday dhiggiisa dalkaas, Dr. Towfiiq bin Fowzaan Al-Rabiici, heshiiska qoondada Xajka Soomaaliya ee sannadka 1448 Hijriyada oo ku beegan 2027-ka.
Heshiiskan oo ah mid sannadle ah ayaa lagu go’aamiyey qoondada rasmiga ah ee Soomaaliya ay ku yeelan doonto Xajka sannadka 2027, taas oo gaareysa 11,500 oo xaaji. Tiradan ayaa muujinaysa tirada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee loo oggolaaday inay sannadkaas ka qaybqaataan gudashada waajibaadka shanaad ee tiirarka Islaamka.
Saxiixa heshiiskan ayaa qayb ka ah diyaar-garowga hore ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Soomaaliya ugu jirto qabanqaabada Xajka sannadka soo socda, iyadoo la filayo in heshiiska uu saldhig u noqdo qorsheynta adeegyada, isku-dubbaridka howlaha iyo diyaarinta dhammaan habraacyada la xiriira safarka iyo joogitaanka xujeyda Soomaaliyeed ee dalka Sacuudiga.
Wasiirka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaas oo ay kaga qaybgaleen munaasabadda weyn ee Madasha Xajka iyo Bandhigga Adeegyada Xajka, oo ay isugu yimaadeen wufuud iyo mas’uuliyiin ka socday dhammaan dalalka Muslimiinta caalamka.
Madashan ayaa ah goob ay dalalka Muslimiintu kaga wada hadlaan qorshayaasha iyo diyaar-garowga la xiriira Xajka, horumarinta adeegyada loo fidiyo xujeyda, fududeynta habraacyada safarka iyo sidii loo xaqiijin lahaa in dadka gudanaya waajibaadka Xajka ay helaan adeegyo wanaagsan inta ay ku sugan yihiin goobaha barakeysan.
Sidoo kale, kulamada madasha ayaa fursad u siinaya mas’uuliyiinta dalalka ka qaybgalaya inay la kulmaan hay’adaha iyo shirkadaha adeegyada Xajka qaabilsan, si loo xoojiyo wada-shaqeynta, loona helo qorshe mideysan oo lagu maareeyo howlaha la xiriira soo dhoweynta iyo daryeelka xujeyda.
Munaasabadda saxiixa heshiiska qoondada Xajka Soomaaliya waxaa goobjoog ka ahaa Qunsulka Guud ee Soomaaliya u fadhiya magaalada Jeddah, Mudane Cabdiwali, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Dr. Cabdinaafic, Guddoomiyaha Xafiiska Adeegyada Xajka Soomaaliya, Dr. Khadar Daahir, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wafdiga Soomaaliya.
Heshiiskan ayaa muhiimad gaar ah u leh qorsheynta howlaha Xajka 2027, maadaama uu Wasaaradda siinayo xogta rasmiga ah ee tirada xujeyda Soomaaliyeed ee la filayo inay sannadkaas safraan, taas oo suuragelinaysa in la sii diyaariyo adeegyada lagama maarmaanka u ah gudashada waajibaadka Xajka.
Soomaaliya ayaa hadda u gudbi doonta wejiyada xiga ee diyaarinta Xajka 2027, kuwaas oo la xiriira habraacyada diiwaangelinta, abaabulka xujeyda iyo isku-duwidda adeegyada ay u baahan doonaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee nasiibka u yeelan doona inay sannadka soo socda soo gutaan waajibaadka Xajka.