Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, Mudane Cabdifataax Saciid Axmed, ayaa bogaadiyey kaalinta ciidamada Uganda (UPDF) ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ay ka qaataan sugidda amniga, nabadda iyo xasilloonida Gobolka Shabeellaha Hoose, isaga oo sheegay in dadaallada ay ciidamadaasi sameeyaan ay qeyb muhiim ah ka yihiin taageerada hay’adaha amniga Soomaaliya.
Guddoomiyaha ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu xarunta Embresso ee degmada Baraawe kula yeeshay Taliyaha Guutada 45-aad ee ciidamada Uganda (UPDF), Gaashaanle Sare Dr. Justus Musenene. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee amniga gobolka, wada-shaqeynta ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda, iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga.
Cabdifataax Saciid Axmed ayaa intii uu kulanku socday si gaar ah u ammaanay xirfadda, anshaxa iyo hab-dhaqanka wanaagsan ee ciidamada Uganda, isaga oo xusay xiriirka wanaagsan ee ay la leeyihiin dadka deegaanka iyo sida ay uga qeyb qaataan dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale Dowladda Uganda uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo la shaqeynta hay’adaha dowladda, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga u dhexeeya labada dal.
Dhankiisa, Taliyaha Guutada 45-aad ee ciidamada Uganda, Gaashaanle Sare Dr. Justus Musenene, ayaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ilaaliyaan anshaxa ciidamada, midnimada iyo ixtiraamka dadka rayidka ah, isaga oo carrabka ku adkeeyey in dhowrista xuquuqda shacabka iyo la dhaqanka wanaagsan ee bulshada ay saldhig u yihiin dhisidda kalsoonida shacabka iyo xoojinta amniga qaranka.
Taliyaha ayaa sheegay in wada-shaqeynta wanaagsan ee ciidamada iyo bulshada deegaanka ay muhiim u tahay guusha howlgalada amni, maadaama taageerada shacabka ay door weyn ka qaadato fududeynta howlaha ciidamada iyo xaqiijinta xasilloonida deegaannada ay ka howlgalaan.
Waxa uu sidoo kale Dowladda Koonfur Galbeed iyo dadka deegaanka uga mahadceliyey wada-shaqeynta iyo taageerada ay la leeyihiin ciidamada Uganda, isaga oo muujiyey muhiimadda ay leedahay in la sii adkeeyo xiriirka ka dhexeeya ciidamada, maamulka iyo bulshada.
Dhanka kale, Taliyaha Guutada 8-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Cilmi, ayaa bogaadiyey iskaashiga iyo xiriirka wada-shaqeyneed ee ka dhexeeya ciidamada Uganda (UPDF) iyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliyeed (SNAF).
Waxa uu si gaar ah u xusay wadajirka labada ciidan ee dhinacyada howlgalada amni, is-weydaarsiga xogaha iyo isku-duwidda howlaha ay ka wadaan deegaannada gobolka, isaga oo xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed sii wadista iyo xoojinta iskaashigaasi.
Kulankan ayaa muujinaya muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM, kuwaas oo iska kaashanaya taageeridda hay’adaha amniga, ilaalinta nabadda iyo xasilloonida deegaannada ay ka howlgalaan.
Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ka mid ah deegaannada muhiimka u ah dadaallada amni ee Koonfurta Soomaaliya, waxaana iskaashiga ciidamada dowladda, kuwa AUSSOM, maamulka gobolka iyo bulshada deegaanka uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xaqiijinayo amni waara iyo xasillooni