Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Booqday Saldhigyada Ciidamada ee Magaalada Baraawe, Farriinna u Diray Ciidamada

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa booqasho ku tagay saldhigyada ciidamada ammaanka ee magaalada Baraawe, halkaas oo uu kula kulmay saraakiisha iyo ciidamada ku sugan goobaha kala duwan ee magaalada.

Hoggaamiyaha ayaa intii uu booqashada ku guda jiray ciidamada kula dardaarmay inay si hufan oo masuuliyad ku jirto u gutaan waajibaadka ka saaran sugidda amniga, ilaalinta nafta, sharafta iyo maalka shacabka, iyo dhowrista hantida guud iyo tan gaarka ah.

Waxa uu ciidamada ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in ay muujiyaan feejignaan, masuuliyad iyo anshax ciidan, isla markaana ay mar walba ku dadaalaan ilaalinta amniga iyo badbaadada dadka rayidka ah. Waxa uu sidoo kale xusay in ciidamada ammaanku ay door muhiim ah ku leeyihiin xaqiijinta xasilloonida iyo nabadgelyada magaalada.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa si gaar ah carrabka ugu adkeeyay in shacabka loola dhaqmo si wanaagsan, lana dhowro xuquuqdooda, isaga oo tilmaamay in wada-shaqeynta ciidamada ammaanka iyo bulshada ay tahay tiir muhiim u ah sugidda amni waara iyo xasillooni guud.

Hoggaamiyaha ayaa ciidamada ku boorriyey inay ilaaliyaan kalsoonida shacabka, kana fogaadaan fal kasta oo dhaawici kara xiriirka ka dhexeeya bulshada iyo hay’adaha amniga. Waxa uu sidoo kale ku dhiirrigeliyay inay muujiyaan dadaal dheeraad ah oo ku aaddan sidii magaalada Baraawe iyo deegaannada hoos yimaada ay u ahaan lahaayeen goobo ammaan ah oo ay dadku si xor ah ugu qabsan karaan hawlahooda nololeed, ganacsi iyo dhaqaale.

Waxa uu intaas ku daray in sugidda amniga aysan ku koobnayn oo keliya ilaalinta goobaha muhiimka ah, balse ay sidoo kale muhiim tahay in la helo ciidan si dhow ula shaqeeya shacabka, fahmaya baahiyahooda, isla markaana ka jawaaba xaaladaha amni ee soo kordha.

Booqashada Hoggaamiyaha waxaa ku wehlinayay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, wasiirro ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed.

Booqashadan ayaa ku soo beegmaysa xilli Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed uu ku sugan yahay magaalada Baraawe, halkaas oo uu kulamo iyo kormeerro kala duwan kula yeelanayo ciidamada iyo masuuliyiinta maamulka, isaga oo diiradda saaraya xaaladda amniga iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo bulshada deegaanka.