Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Garyaqaan Ibraahim Iidle Sulaymaan, ayaa kulan is-xogwareysi ah la yeeshay garsoorayaasha iyo shaqaalaha Maxkamadda Sare, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta habsami-u-socodka shaqada, tayaynta maamulka hay’adda iyo xoojinta wada-shaqeynta qaybaha kala duwan ee Maxkamadda.
Kulankan ayaa qayb ka ahaa dadaallada Guddoomiyaha Maxkamadda Sare uu ku doonayo in lagu horumariyo hab-maamulka iyo shaqada hay’adda garsoorka, iyadoo la xoojinayo nidaamka shaqo, isla-xisaabtanka iyo gudashada waajibaadka ay leeyihiin garsoorayaasha iyo shaqaalaha kale ee Maxkamadda.
Guddoomiyaha ayaa khudbad uu kulanka ka jeediyay ugu horrayn shaqaalaha iyo garsoorayaasha kula dardaarmay muhiimadda ay leedahay ilaalinta hufnaanta maamulka, gudashada waajibaadka shaqo, dhowrista anshaxa iyo qaadashada masuuliyadda qof kasta saaran.
Waxa uu ku boorriyey dhammaan shaqaalaha iyo garsoorayaasha inay shaqadooda u gutaan si daacadnimo, xilkasnimo iyo masuuliyad leh, isla markaana ay muujiyaan dadaal iyo karti ku aaddan fulinta hawlaha maalinlaha ah ee Maxkamadda.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa si gaar ah u adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta, is-fahamka iyo isku-duwidda waaxyaha kala duwan ee Maxkamadda Sare, isaga oo tilmaamay in wada-shaqeyn wanaagsan ay muhiim u tahay helitaanka adeeg garsoor oo hufan, nidaamsan, isla markaana bulshada u fududeynaya helitaanka caddaaladda.
Waxa uu sidoo kale xusay in tayada shaqada hay’adaha garsoorku ay ku xiran tahay hab-dhaqanka, daacadnimada iyo masuuliyadda ay muujiyaan dadka ka shaqeeya, taas oo lagama maarmaan u ah dhisidda hay’ad garsoor oo leh nidaam shaqo oo wanaagsan iyo kalsooni bulsho.
Dhankiisa, Guddoomiyaha ayaa ugu dambayn dhammaan shaqaalaha iyo garsoorayaasha ku boorriyey inay ilaaliyaan sumcadda, karaamada iyo sharafta Maxkamadda Sare, kana shaqeeyaan sidii ay u muujin lahaayeen anshax iyo masuuliyad shaqo oo ku dayasho mudan.
Kulankan ayaa muujinaya dadaallada lagu horumarinayo maamulka iyo habsami-u-socodka shaqada Maxkamadda Sare, iyadoo muhiimad la siinayo tayaynta shaqaalaha, xoojinta wada-shaqeynta iyo kor u qaadista adeegyada garsoorka ee dalka.