Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa tacsi tiiraanyo leh ka diray geerida Alle ha u naxariistee Agaasime Ku-xigeenkii Bangiga Dowladda Puntland, Cali Yuusuf Faarax oo loo yaqaanay (Cali Majeerteen), kaas oo xalay ku geeriyooday magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa tacsi u diray isaga oo ku hadlaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo kan shacabka Puntland, wuxuuna murugada geerida marxuumka la wadaagay qoyskiisa, ehelkiisa, qaraabadiisa, asxaabtiisa iyo dhammaan dadkii ay wada shaqaynayeen.
Madaxweynaha ayaa sheegay in marxuum Cali Yuusuf Faarax uu ahaa aqoonyahan ku suntanaa hufnaan, karti iyo daacadnimo shaqo, isaga oo muddo dheer aqoontiisa iyo khibraddiisa dhinaca dhaqaalaha ugu adeegayay bulshada Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Waxa uu xusay in marxuumku uu ka mid ahaa shaqsiyaadkii aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda uga qayb qaadanayay horumarinta hay’adaha maaliyadeed ee Puntland, gaar ahaan Bangiga Dowladda Puntland, halkaas oo uu ka soo qabtay xil muhiim ah.
Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale tacsi gaar ah u diray masuuliyiinta iyo shaqaalaha Bangiga Dowladda Puntland, isaga oo sheegay inuu murugada geerida marxuumka la qaybsanayo dhammaan shaqaalaha Dowladda Puntland iyo bulshada uu ka baxay.
Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland ayaa Alle SWT uga baryay inuu marxuum Cali Yuusuf Faarax naxariistii Janno ka waraabiyo, dambigiisana dhaafo, kitaabkiisana midigta ka siiyo, isaga oo qoyskiisa, ehelkiisa, asxaabtiisa iyo guud ahaan shacabka Puntland ka baryay inuu samir iyo iimaan ka siiyo geerida ku timid.
Geerida marxuum Cali Yuusuf Faarax ayaa timid xilli uu hayay xilka Agaasime Ku-xigeenka Bangiga Dowladda Puntland, waxaana tacsi u diray Madaxweyne Deni oo muujiyay sida uu uga xun yahay geerida marxuumka.
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.