Sheekh Aadan Madoobe oo Muqdisho kula kulmay ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada, Mudane George Conway, iyaga oo ka wada hadlay xaaladda bani’aadannimo ee ka jirta deegaannada Koonfur Galbeed iyo sidii loo xoojin lahaa taageerada hay’adaha Qaramada Midoobay.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen wasiirro ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo saraakiil ka tirsan Xafiiska Hoggaamiyaha ayaa diiradda lagu saaray baahiyaha bani’aadannimo ee ka jira deegaannada maamulka, xaaladaha nololeed ee bulshada iyo dadaallada lagu horumarinayo gurmadka iyo gargaarka la gaarsiiyo dadka ay saameeyeen dhibaatooyinka bani’aadannimo.

Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulanka ku soo bandhigay xaaladda guud ee bani’aadannimo ee deegaannada Koonfur Galbeed, isaga oo sheegay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo taageerada la siiyo bulshada wajahaysa duruufaha nololeed iyo baahiyaha kala duwan ee jira.

Waxa uu carrabka ku adkeeyey in loo baahan yahay iskaashi joogto ah oo dhex mara maamulka Koonfur Galbeed, Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha gargaarka, si loo helo xalal wax ku ool ah oo wax looga qabanayo baahiyaha bulshada.

Sidoo kale, Hoggaamiyaha ayaa tilmaamay in taageerada bani’aadannimo ay muhiim tahay in lagu saleeyo baahiyaha dhabta ah ee dadka, isla markaana mudnaan la siiyo bulshada sida gaarka ah ugu baahan gurmadka, si gargaarku u gaaro dadka loogu talagalay.

Dhinacyada ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo sii adkeyn lahaa wada-shaqeynta iyo isku-duwidda hay’adaha kala duwan, loona kordhin lahaa waxtarka mashaariicda iyo barnaamijyada gargaarka bani’aadannimo ee laga fuliyo deegaannada Koonfur Galbeed.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamada shaqo ee Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed uu magaalada Muqdisho kula yeelanayo mas’uuliyiinta hay’adaha caalamiga ah, kuwaas oo looga gol leeyahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada horumarinta iyo gargaarka bani’aadannimo.