Dagaal ka dhacay afaafka hore ee guriga Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo sababay dhimasho

Dagaal kooban oo saaka ka dhacay afaafka hore ee guriga uu magaalada Beledweyne ka deggan yahay Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle, Cabdifaatax Xasan Afrax, ayaa sababay dhimashada hal qof, iyadoo xaaladda magaalada ay weli tahay mid kacsan.

Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in iska horimaadku uu ka dhacay agagaarka hoyga Madaxweyne ku-xigeenka, kaddib markii sida ay sheegtay Dowladda Hirshabeelle weerar lagu soo qaaday guriga uu ka deggan yahay Cabdifaatax Afrax.

Dowladda Hirshabeelle ayaa sheegtay in ciidanka amniga ee ilaalinayay guriga Madaxweyne ku-xigeenka ay iska caabiyeen weerarka, isla markaana ay ku guuleysteen inay ka hortagaan kooxdii weerarka soo qaaday.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka Dowladda Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in ciidamada ay kooxda weerarka soo qaaday ka furteen hub culus oo ay adeegsanayeen intii uu socday iska horimaadku.

Dagaalkan ayaa imaanaya xilli magaalada Beledweyne ay ka taagan tahay xiisad amni iyo mid siyaasadeed, kaddib dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee la xiriiray xaaladda maamulka Hirshabeelle iyo khilaafaadka ka dhashay doorashadii hoggaanka maamulka.

Dhaqdhaqaaqa ciidamada iyo xiisadda ka jirta magaalada ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in xaaladdu isku beddesho iska horimaadyo kale, iyadoo dadka shacabka ah ay si dhow ula socdaan sida ay wax u dhacayaan.

Ilaa hadda ma jiraan faahfaahin dheeraad ah oo si rasmi ah looga bixiyay khasaaraha guud ee ka dhashay dagaalka, tirada dadka ku lugta lahaa ama cidda sida tooska ah uga dambeysay weerarka.

Xaaladda magaalada Beledweyne ayaa weli kacsan, waxaana indhaha lagu hayaa tallaabooyinka ay qaadaan ciidamada amniga iyo maamulka Hirshabeelle saacadaha soo socda, iyadoo aan weli la ogeyn halka ay xiisaddani ku dambeyn doonto.