Madaxweynaha Jubaland oo xarigga ka jaray dhismayaal cusub oo laga hirgeliyay Dekedda Kismaayo

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa xalay munaasabad ka dhacday Dekedda Magaalada Kismaayo xarigga kaga jaray dhismayaal cusub oo qayb ka ah mashaariicda dib-u-dhiska, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo casriyeynta adeegyada iyo qalabka Dekedda Kismaayo.

Mashaariicdan ayaa lagu hirgeliyay iskaashi dhexmaray Dowladda Jubaland iyo shirkadda Abu Dhabi Ports Group (AD Ports Group), waxaana ay qayb ka yihiin qorshe ballaaran oo lagu horumarinayo dekedda, laguna kordhinayo awooddeeda shaqo, tayada adeegyada iyo hufnaanta howlaha ganacsi ee halkaasi ka socda.

Dhismayaasha cusub ee xarigga laga jaray ayaa ah wajiga koowaad ee qorshaha dib-u-dhiska iyo casriyeynta Dekedda Kismaayo, kaas oo ujeeddadiisu tahay in dekedda loo sameeyo kaabayaal casri ah oo dabooli kara baahiyaha sii kordhaya ee ganacsiga, isla markaana kor u qaada doorkeeda dhaqaale ee gudaha iyo dibadda.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa sidoo kale daahfuray dib-u-hawlgelinta xafiisyada iyo waaxyaha kala duwan ee dekedda, kuwaas oo lagu sameeyay dib-u-habeyn iyo casriyeyn lagu doonayo in lagu hagaajiyo habsami u socodka shaqada, korna loogu qaado tayada adeegyada ay dekeddu siiso ganacsatada iyo bulshada.

Intii ay munaasabaddu socotay, Madaxweynaha ayaa warbixinno ka dhageystay maamulka Dekedda Kismaayo iyo mas’uuliyiinta shirkadda AD Ports Group, kuwaas oo faahfaahin ka bixiyay howlaha la qabtay, waxyaabaha laga hirgeliyay wajiga koowaad iyo qorshayaasha lagu sii horumarinayo dekedda.

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay qorshayaasha wejiyada xiga ee mashaariicda, kuwaas oo diiradda saaraya ballaarinta iyo casriyeynta kaabeyaasha dekedda, tayeynta adeegyada iyo kordhinta awoodda ay u leedahay inay qaabisho dhaqdhaqaaqa ganacsi ee sii kordhaya.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda Jubaland, maamulka Dekedda Kismaayo, wakiillo ka socday shirkadda Abu Dhabi Ports Group iyo howlwadeennada kala duwan ee dekedda.

Horumarinta Dekedda Kismaayo ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Jubaland ay ku xoojinayso kaabeyaasha dhaqaalaha, dhiirrigelinta maalgashiga iyo kobcinta ganacsiga. Dekedda ayaa ah marin ganacsi oo muhiim u ah Jubaland, iyadoo door weyn ku leh isku xirka ganacsiga gudaha iyo suuqyada caalamiga ah.

Iskaashiga Dowladda Jubaland iyo shirkadda AD Ports Group ayaa la filayaa inuu qayb ka qaato hirgelinta qorshayaasha lagu casriyeynayo dekedda, korna loogu qaadayo adeegyada ay bixiso, si ay ula jaanqaaddo baahiyaha ganacsatada iyo kobaca dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee gobolka.