
Safarkan ayaa qayb ka ah dadaallada ay Wasaaraddu ku doonayso inay ku ogaato xaaladda dhabta ah ee beeraha, baahiyaha jira iyo caqabadaha hortaagan beeralayda, si loo helo xog sugan oo saldhig u noqota qorshayaasha lagu horumarinayo wax-soo-saarka beeraha iyo kobcinta dhaqaalaha reer miyiga.
Ujeeddada ugu weyn ee qiimayntan ayaa ahayd in si wadajir ah loo ururiyo xog ku saabsan tirada iyo baaxadda beeraha ka jira degmooyinka Xamar-lagu-xidh iyo Widhwidh, noocyada kala duwan ee dalagyada ay beeralaydu soo saaraan, ilaha biyaha ay isticmaalaan iyo hababka ay beeruhu ku helaan waraabka. Sidoo kale, waxaa la qiimaynayey heerka wax-soo-saarka beeraha iyo fursadaha jira ee lagu kordhin karo wax-soo-saarka gudaha.
Intii uu socday kormeerku, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray xaaladda ilaha biyaha ee ay beeralaydu ku tiirsan yihiin, maadaama helitaanka biyo ku filan uu door muhiim ah ka ciyaaro horumarinta beeraha iyo joogtaynta wax-soo-saarka. Waxaa sidoo kale la eegay hababka waraabka ee hadda la isticmaalo iyo baahida loo qabo in la helo farsamooyin casri ah oo wax ku ool ah, kuwaas oo ka caawin kara beeralayda inay si wanaagsan uga faa’iidaystaan biyaha iyo dhulka ay beeranayaan.
Dhanka kale, qiimaynta ayaa lagu soo bandhigay caqabadaha kala duwan ee saameeya hawlaha beeraha, gaar ahaan dhibaatooyinka la xiriira helitaanka biyaha, agabka wax-soo-saarka, qalabka beeraha iyo baahida loo qabo taageero farsamo oo ay helaan beeralaydu. Caqabadahan ayaa ka mid ah arrimaha u baahan in si gaar ah loo tixgeliyo marka la diyaarinayo qorshayaasha horumarinta beeraha ee labada degmo.
Wafdiga Wasaaradda iyo hay’adda Allight ayaa sidoo kale muhiimad gaar ah siinaya sidii loo heli lahaa xog dhammaystiran oo ku saabsan awoodda wax-soo-saar ee dhulka beeraha, si loo aqoonsado meelaha u baahan maalgelin, taageero iyo mashaariic horumarineed oo kor u qaadi kara wax-soo-saarka beeralayda.
Kormeerkan ayaa muujinaya dadaalka ay Wasaaradda Beeraha, Waraabka iyo Horumarinta Reer Miyiga Dowladda Waqooyi-Bari Soomaaliya ku bixinayso horumarinta waaxda beeraha, aqoonsiga baahiyaha beeralayda iyo xoojinta wada-shaqaynta hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee ka shaqeeya horumarinta nolosha bulshada reer miyiga.
Xogta laga helo qiimayntan ayaa la filayaa inay gacan ka geysato dejinta qorshayaal wax-ku-ool ah oo lagu horumarinayo beeraha, lagu xoojinayo adeegyada waraabka, laguna kordhinayo wax-soo-saarka dalagyada kala duwan, taas oo fursad u abuuri karta beeralayda, korna u qaadi karta isku-filnaanshaha wax-soo-saarka cuntada ee Dowladda Waqooyi-Bari Soomaaliya.