Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan macallimiinta Soomaaliyeed, munaasabadda 21-ka Nofeembar oo ku beegan Maalinta Macallinka Soomaaliyeed, isaga oo xusay kaalinta muhiimka ah ee macallimiintu ku leeyihiin horumarinta bulshada, kobcinta aqoonta iyo dhismaha mustaqbalka dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in macallimiintu ay yihiin laf-dhabarta waxbarashada iyo horumarka ummadda, maadaama ay yihiin dadka doorka koowaad ka qaata barbaarinta iyo hagidda jiilasha soo koraya. Waxa uu sheegay in shaqada macallinku aysan ku koobnayn oo keliya gudbinta aqoonta iyo casharrada waxbarashada, balse ay sidoo kale muhiim u tahay dhismaha akhlaaqda, anshaxa, waddaniyadda iyo ilaalinta dhaqanka wanaagsan ee Soomaaliyeed.
Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in mustaqbalka dal kasta uu si weyn ugu xiran yahay tayada waxbarashada iyo heerka aqooneed ee bulshada, taas oo macallimiintu door muuqda ku leeyihiin. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in jiilasha maanta wax baranaya ay yihiin hoggaamiyeyaasha, aqoonyahannada iyo xirfadlayaasha berri, sidaas darteedna ay lama huraan tahay in la helo macallimiin leh aqoon, waayo-aragnimo iyo karti ay ku gudan karaan waajibaadkooda waxbarasho.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa si gaar ah u ammaanay macallimiinta Soomaaliyeed ee ku howlan gudashada waajibaadkooda waxbarasho, kuwaas oo ku shaqeeya duruufo kala duwan, isla markaana muujiya dadaal, dulqaad iyo naf-hurnimo si ubadka Soomaaliyeed ay u helaan waxbarasho iyo fursado wanaagsan oo ay mustaqbalkooda ku dhistaan.
Waxa uu sidoo kale bogaadiyay macallimiinta ka howlgala deegaannada ay ka jiraan caqabadaha amni, dhaqaale iyo kuwa la xiriira helitaanka adeegyada aasaasiga ah, kuwaas oo inkasta oo ay jiraan duruufo adag haddana sii wada gudashada waajibaadkooda, si aanay carruurta Soomaaliyeed uga harin fursadaha waxbarasho.
Mudane Xamsa ayaa sheegay in macallinku yahay qofka bulshada ku abuura rajada, dhiirrigeliya hal-abuurka, kobciya kartida ardayda, isla markaana ka qayb qaata dhismaha bulsho leh aqoon iyo faham ku filan oo ay ku wajahdo caqabadaha horyaalla. Waxa uu intaas ku daray in qaddarinta macallinku aysan ahayn mid ku kooban hal maalin oo keliya, balse ay tahay masuuliyad joogto ah oo saaran dowladda, waalidiinta iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa adkeeyay in maamuusidda macallinku ay tahay maamuusidda aqoonta, horumarka iyo mustaqbalka ummadda, isaga oo xusay in bulshada macallimiinteeda qaddarisa ay dhisato saldhig adag oo ay ku gaarto horumar waara.
Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay dadaal xooggan ku bixisay helidda bareyaal leh aqoon iyo xirfad ku filan barbaarinta iyo waxbaridda ubadka Soomaaliyeed, si loo tayeynayo nidaamka waxbarashada, loona helo jiil aqoon leh oo leh karti iyo masuuliyad qaran.
Munaasabadda 21-ka Nofeembar ee Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ayaa sannad kasta fursad u noqota in la xuso laguna maamuuso dadaalka iyo naf-hurnimada macallimiinta, kuwaas oo laf-dhabar u ah faafinta aqoonta, kobcinta garaadka bulshada iyo dhismaha jiilasha mustaqbalka hoggaamin doona dalka.