Hoggaamiyaha Galmudug oo khadka telefoonka kula hadlay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa wadahadal khadka telefoonka ah la yeeshay Ku-simaha Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, Marwo Ruth Anne Stevens-Klitz, iyaga oo ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, geeddi-socodka doorashooyinka iyo arrimaha amniga.

Wadahadalkan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya, dadaallada la xiriira qabsoomidda doorashooyinka iyo caqabadaha amni ee dalka ka jira. Sidoo kale, labada dhinac ayaa is-weydaarsaday aragtiyo ku saabsan doorka Dowlad Goboleedyada ee dadaallada lagu xallinayo khilaafaadka siyaasadeed iyo sidii loo xoojin lahaa wadatashiga u dhexeeya dhinacyada kala duwan ee siyaasadda dalka.

Hoggaamiye Liibaan Axmed Xasan iyo Ku-simaha Safiirka Mareykanka ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la helo wada-shaqeyn iyo is-afgarad siyaasadeed oo horseeda xasillooni, midnimo iyo horumar, iyadoo loo marayo wadahadal iyo isu-tanaasul.

Dhankiisa, Hoggaamiyaha Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, ayaa Dowladda Mareykanka uga mahadceliyay taageerada ay siiso maamulka Galmudug, gaar ahaan dhinacyada amniga, xasilloonida iyo horumarinta hay’adaha dowlad-goboleedka.

Hoggaamiyaha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadista iskaashiga iyo xiriirka wada-shaqeyn ee Galmudug kala dhexeeya Dowladda Mareykanka, isaga oo xusay in taageerada caalamiga ahi ay door muhiim ah ka qaadan karto dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, dowlad-dhiska iyo horumarka Galmudug.

Wadahadalkan ayaa ku soo aadaya xilli ay socdaan dadaallo siyaasadeed oo la xiriira geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya, xallinta khilaafaadka siyaasadeed iyo xoojinta wada-shaqeynta Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo saaxiibbada caalamka.