Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay natiijada qiimeynta daah-furnaanta miisaaniyadda 2025

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay madal lagu soo bandhigay natiijada qiimeynta daah-furnaanta Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sannadka 2025, taas oo ay soo saartay hay’adda caalamiga ah ee International Budget Partnership (IBP).

Qiimeyntan ayaa lagu eegay heerka daah-furnaanta miisaaniyadda, ka-qaybgalka dadweynaha iyo kormeerka maaliyadeed ee hay’adaha dowladda, iyadoo natiijooyinka la soo bandhigay ay muujinayaan horumar laga sameeyay hannaanka maamulka maaliyadda dalka, inkasta oo ay weli jiraan dhinacyo u baahan in la sii xoojiyo.

Sida ku cad warbixinta qiimeynta, Soomaaliya ayaa saddexda qaybood ka heshay dhibcahan:

1. Daah-furnaanta Miisaaniyadda (Budget Transparency): Soomaaliya waxay heshay 39 dhibcood marka la eego 100 dhibcood, taas oo lagu cabbirayo heerka ay dadweynuhu u heli karaan xogta miisaaniyadda dowladda.

2. Ka-qaybgalka Dadweynaha (Public Participation): Soomaaliya waxay heshay 19 dhibcood 100-kii dhibcood, taas oo muujinaysa baahida loo qabo in la kordhiyo fursadaha ay bulshada ku yeelan karto ka-qaybgalka diyaarinta, dib-u-eegista iyo go’aan ka gaarista miisaaniyadda dowladda.

3. Kormeerka Miisaaniyadda (Budget Oversight): Soomaaliya waxay heshay 37 dhibcood 100-kii dhibcood, kuwaas oo lagu qiimeeyay doorka kormeer ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay sii xoojinta daah-furnaanta, isla-xisaabtanka iyo hufnaanta maamulka maaliyadda dalka, iyadoo mudnaan la siinayo hirgelinta talooyinka ku xusan warbixinta qiimeynta.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay qorsheynaysaa ballaarinta wadatashiyada dadweynaha ee la xiriira diyaarinta, dib-u-eegista iyo ansixinta miisaaniyadda dowladda, si bulshada iyo qaybaha kala duwan ee dalka ay door muuqda ugu yeeshaan hannaanka maamulka dhaqaalaha qaranka.

Natiijada qiimeyntan ayaa muujinaysa heerka ay Soomaaliya ka joogto daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka maaliyadeed, iyadoo loo baahan yahay dadaallo dheeraad ah oo lagu horumarinayo helitaanka xogta miisaaniyadda, ka-qaybgalka bulshada iyo kormeerka hay’adaha dastuuriga ah.