Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa khudbad ka jeediyay kulan heer sare ah oo diiradda lagu saaray hoggaaminta, isku-duwidda iyo maareynta xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka, gaar ahaan dalalka ay isku biirsadeen colaadaha, dhibaatooyinka bani’aadannimo iyo caqabadaha dhaqaale.
Kulankan ayaa qayb ka ahaa Shirka Caalamiga ah ee Caafimaadka Dadweynaha Afrika (CPHIA 2026), waxaana ka soo qayb galay Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Uganda, Marwo Jessica Alupo, wasiirrada caafimaadka dalalka gobolka, madaxda Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada Afrika (Africa CDC), wakiillo ka socday dowladaha Afrika, hay’adaha caalamiga ah iyo wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Khudbaddiisa, Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa si gaar ah uga hadlay waayo-aragnimada dalka ee ku aaddan joogteynta adeegyada caafimaadka aasaasiga ah xilliyada ay jiraan xaaladaha degdegga ah iyo dhibaatooyinka bani’aadannimo. Waxa uu tilmaamay caqabadaha haysta nidaamka caafimaadka iyo dadaallada lagu xaqiijinayo in adeegyada caafimaadku ay gaaraan dhammaan qaybaha bulshada.
Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in mudnaan gaar ah la siiyo dadka nugul, carruurta, haweenka iyo bulshada ku nool deegaannada ay adag tahay in la gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah, isaga oo xusay in aanay xaaladaha degdegga ahi sabab u noqon karin hakadka ku yimaada adeegyada caafimaadka.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa ka hadlay baahida loo qabo xoojinta awoodda nidaamka caafimaadka Soomaaliya, horumarinta qorshayaasha loogu diyaar garoobo xaaladaha degdegga ah iyo dhisidda hannaan awood u leh inuu si degdeg ah uga jawaabo cudurrada dillaaca, abaaraha iyo xaaladaha kale ee bani’aadannimo.
Intii uu kulanku socday, waxaa la isku weydaarsaday waayo-aragnimo iyo casharro laga bartay maareynta xaaladaha caafimaad ee degdegga ah, iyadoo diiradda la saaray xoojinta diyaar-garowga, isku-duwidda gurmadka caafimaadka, iskaashiga dalalka gobolka iyo kobcinta awoodda hay’adaha caafimaadka ee Afrika.
Shirkan ayaa sidoo kale fursad u siinaya dalalka Afrika inay wadaagaan qorshayaasha iyo xeeladaha lagu dhisayo nidaamyo caafimaad oo adkaysi u leh xaaladaha degdegga ah, kuwaas oo awood u leh inay bulshada siiyaan adeegyo caafimaad oo joogto ah, xitaa xilliyada ay jiraan dhibaatooyin waaweyn oo saameeya nolosha dadka.
Ka qaybgalka Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ee kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee xoojinta iskaashiga caafimaadka heer gobol iyo heer caalami, iyo horumarinta nidaamka caafimaadka dalka.