Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Golaha Wasiirrada cusub ee Galmudug iyo barnaamijka siyaasadeed ee Xukuumadda Aayo-dhiska Galmudug, kaas oo saldhig u noqonaya dhismaha mustaqbal sugan iyo hirgelinta dowladnimo waarta.
Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta horgeeyay Golaha Wakiillada, intii uu socday Kalfadhiga 1-aad, kulankiisa 6-aad, xubnaha Golaha Wasiirrada cusub iyo barnaamijka siyaasadeed ee Xukuumadda, kaas oo ka kooban shan tiir oo siyaasadeed oo saldhig u noqonaya qorshaha iyo mudnaanta shaqo ee Xukuumadda.
Hoggaamiyaha ayaa Xildhibaannada ka codsaday inay codkooda ku taageeraan Xukuumadda cusub iyo barnaamijkeeda siyaasadeed, si ay u hesho kalsoonida sharciyeed ee ay ku gudan lahayd waajibaadkeeda dastuuriga ah, isla markaana ay u ambaqaaddo hirgelinta qorshayaasha dowladeed iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Ugu dambayn, 81-ka Xildhibaan ee soo xaadiray kulanka ayaa dhammaantood u codeeyay ansixinta Golaha Wasiirrada cusub iyo barnaamijka siyaasadeed ee Xukuumadda, taas oo ka dhigan in Xukuumaddu si buuxda u heshay codka kalsoonida Golaha Wakiillada.
Intaas kaddib, waxaa goobta lagu dhaariyay Wasiirrada cusub ee maanta helay codka kalsoonida Golaha, si ay u guda galaan waajibaadka loo igmaday.