Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo maanta safar shaqo ku tegay magaalada Gaalkacyo, ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo.
Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa Madaxweynaha kala qaybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Puntland, Maxamed Maxamuud Ciise (Awoowe), Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda Puntland, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland, masuuliyiinta Wasaaradda Duulista Hawada, saraakiisha Booliska gobolka, maamulka gobolka iyo degmada, iyo masuuliyiin ka socday Galmudug.
Sidoo kale, waxaa munaasabadda ka qaybgalay masuuliyiinta shirkadda GDG ee fulinaysa dhismaha garoonka, Guddiga Horumarinta Magaalada Gaalkacyo, wakiillo ka socday shirkadaha gaarka loo leeyahay, Isimo, Cuqaal, waxgarad, haween iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Mashruuca dhismaha garoonka oo la qorsheeyay in muddo kooban lagu dhammaystiro ayaa ka kooban dhowr qaybood oo muhiim u ah adeegyada duulimaadyada, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhabaha ay diyaaraduhu ka kacaan kuna soo degaan (Runway), xarunta adeegyada rakaabka (Terminal), qaybta socdaalka (Immigration), munaaradda hagista duulimaadyada (Control Tower), barxadda diyaaradaha (Apron) iyo goobaha baarkinka gaadiidka.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa masuuliyiinta Wasaaradda Duulista Hawada iyo shirkadda dhismaha fulinaysa ku boorriyay inay dardargeliyaan hawlaha dhismaha, isaga oo si gaar ah u adkeeyay in fiiro gaar ah loo yeesho tayada dhismaha iyo waafajinta heerarka caalamiga ah ee garoomada diyaaradaha.
Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ayaa la filayaa inuu door muhiim ah ka qaato horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, casriyeynta adeegyada duulimaadyada iyo xoojinta isku xirka Puntland, guud ahaan Soomaaliya iyo dunida inteeda kale.
Mashruucan ayaa sidoo kale la filayaa inuu abuuro fursado shaqo, ganacsi iyo maalgashi, isla markaana sare u qaado isku socodka dadka iyo badeecadaha ee magaalada Gaalkacyo iyo deegaannada ku xeeran.